Home » Warar »

Madaxweynaha DFS oo ka hadlay dagaalada Sokeeye ee deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Madaxweynaha Somalia “Dagaallo beeleedka waa arin aan loo dulqaadan karin, qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa.”

Muqdisho, 17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta maanta Muqdisho kula hadlay ayaa ka hadlay collaadaha iyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada qaarkood oo uu yiri “ Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda.”

xasan117Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci. –

DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia, Office of the President of the Federal Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFS oo ka hadlay dagaalada Sokeeye ee deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe "

  1. abdigirgire says:

    madaxweyne xasan shiikh scw; shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe dagaalada kasocda hala joojiyo madaxtinimadayda ayaay halis u tahay Su,aashaydu waxay tahay maxaad uga hadli wayday kuwa taleex lagu qaaday ee dadka lagu xauuqay ,mise hadalkaagii ahaa gaari waa ayaa jira ayaad weli aaminsan tahay mise waxaad isleedahay dad oroma ayaa degan meesha taleex layiraahdo, mie waadan ka warqabin dalka dadka oo guriga madaxtooyada ayaa kugu waynaaday.