Home » Warar »

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta oo ka Qayb galey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Xaquuqda Aadanaha.

Iyadoo 10 –ka December ay tahay maalinta Xaquuqda Aadanaha  Aduunka ayaa Munaasabad ku Aadan maalinkaa waxaa maanta lagu qabtey Hotel Safari ee Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey Wasiiro , Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxda Hayadaha Samafalka, kuwa  Xaquuqul Insaanka , Haween iyo Dhalinyaro Waxaana si wadajir ah Munaasabadaas u soo qabanqaabiyey Xarunta Xaquuqda Aadanaha Ismaaciil Jimcaale (Dr.ismail Jum’ale Human Rights (Dijhro) iyo Hay’ada Women Education and Voicing Enterprenuarship (Weave) iyo Hayadda Somali Human Rights Defender Network SOHRIDEN .

somali111

Ugu horeyntii waxaa halkaa War-Saxaafadeedkii loogu talagaley Maalinkaa ka Akhriyey  Cismaan oo ka socdey Xarunta Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale  oo halkaa ka soo jeedyey Dhowr Qodob oo kala ah in Xoogaga Shaqo ay talo ku soo jeediyeen in loo Wada Istaago Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed si loo helo Kalsooni iyo is aaminaad , Dhamaan Xooga Shaqo waxay ka Dalbanayaan Haykalka Dowladnimo in ay Badbaadiyaam Bulshada kuwooda ugu Nugul ee lala Beegsanyo Tacadiyada ,waxay soo jeedyeen Xoogaga Shaqo in la helo Amni Guud iyo in la helo Isla Xisaabtan Dhab ah, waxay ka Codsadeen Beesha Caalamka in ay il gaar ah ku eegaan Tacadiyada ka dhaca Soomaaliya

Xubnhii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ah Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Ebyan Nuur oo si weyn ugu Dheeraada Xaquuqda Aadanah waxaana uu sheegey in Diinta Islaamka ay si weyn u dhowrtey Xaquuqda Aadanaha islamarkaana ay kaaraao siisey Bana’aadamka waxaaana uu sheegey in Dowladda Federaalka ay ku dadaali doonto sidii loo joojin lahaa  Xadgudubyada ka dhaca Dalka ,isagoo u soo jeedyey Bulshada Soomaaliyeed in ay iyana Dhinacooda ka hortagaan wax kasta oo Xadgudub ah.

Xildhibaanada Maryan Cariif Qaasim oo Gudoomiye u ah Guddiga  Dib u eegista Dastuurta waxayna si aad ah u faaffaahisey Qodobada sida aadka ah u taabanaya Xaquuqda Aadanaha taasoo ay sheegtey in qaar ka mid ah dib loo eegi Doono , sidoo kale waxay sheegtey in Bulshada looga baahan yahay iniyana qayb ka qaataan Dib u eegista Dastuurka si loo helo Dastuur Dhameystiram.

Sahro Maxamed Axmed oo ka tirsan Masuuliyinta Hayadda SWDC ayaa Dowladda Federalka ku eedeysan in aysan waxba ka qaban Qodobada Aaasiga u ah Nolosha Baniaadamka sida Garsoorka , Waxbarashada , Caafimaadka, Haweenka iyo wixii la mid ah sidoo kale waxay Hayadaha Xaquuqda Aadanaha u soo jeedisey in  ay laba jibaaraan Howlaha  ay Bulshada u hayaan ee ku aadan joojinta Xadgudubyada.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo isan ka Hadley Munaasabaadaas lagu Xusayey Maalinta Xaquuqda Aadanaha Aduunka waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in Bulshada u Sarakacaan sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen Waxbarasho , Shaqo  si loo hakiyo Tahriibka ay maalin waliba ku baaba’ayaan , waxaa kale uu sheegey in Dalka Soomaaliya uu yahay Dal Barwaaqo ah isagoo Tusaale u soo qaatey Riwaayad Sideetameeyadii la dhigey oo la oran jirey “ DAL BARWAAQO AH IYO DAD KA BAAHAN”

Asli Ducaale oo ka tirsan Hayadda Weave oo ka hadashey Munaasabadaas  ayaa ugu horeyn u Mahadcelisey intii isku soo Duba ridey Munaasabadaas sidoo kale waxay sheegtey in Xadgudubyadda ka dhacay Soomaaliya ay yihiin kuwa aad u badan waxayna sheegtey in looga hortagi karo isku Duubnaan ay sameeyaan Dhamaan qaybaha kala Duwan  iyadoo intii ay soctey Munaasabadaas ay Gabayo iyo Burraanburo ka soo jeediyeen Abwaanada Cismaan Guure, Maryan Jacayl iyo Maama Caasho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.