Ugaaska Beesha Biyo-Maal Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali Ugaas Xuseen oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dagaaladii ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose oo uu sheegay inay tahay arin siyaasadeed oo ujeedo fog laga leeyahay islamarkaana ku tilmaamay mid dad fara ku tiris ah oo dhaqaalo leh ay u ololaynayaan taas oo uu sheegay inuu uga digayo dowlada Federaalka Somalia inaysan arintaas ka fiirsadaan .
Sidoo kale Ugaaska ayaa daboolka ka qaaday inaysan wax ka ogayn Maamul la magac baxay KoonfurGgalbeed oo loo dhisayo Gobolada Shabeelada Hoose ,Bay iyo Bakool oo ka socda Magaalada Baydhabo islamarkaana tilmaamay mid ay dad gaar ah wataan isagoo ganafka ku dhuftay inaysan jirin wafdiga la sheegay inay Baydhabo ku sii qul qulayaan inaysan jirin wax haba yaraatee ay ka og yihiin shirkaas la sheegay.
Dhinaca kale Ugaas Axmed ugaas Sayid Cali oo l weydiiyey in lagu casuumay shirka la filayo inuu Baydhabo ka dhaco maadaama aad kamid yihiin dadka deegaanka ayaa shaaca ka qaaday inaysan cid haba yaraatee kala hadashay arintaasi islamarkaana tilmaamay inuusan aqoonsanayn hadiiba wax laga soo saaro ayna ka hortegi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye.
Ugaaska ayaa dhinaca kale sheegay in gudigii ka koobnaa Golaha Xukumada ee isku dhafka ahaa ee qaboojinayey dagaalka ka socday Gobolka Shabeelada hoose deegaano ka tirsan inaysan wax haba yaraate ay u qabteen aysan jirin balse tilmaamay inay colaada sii huriyen waa taasoo uu ku tilmaamay mid dabada ay kariixayaan siduu sheegay dad dano gaar ah ka leh gobolka.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Ugaaska Beesha Biyo-Maal ayaa kusoo beegmaya xili la filayo in gogol xaar loo sameeyo shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada baydhabo kaasoo Garwadeen uu ka yahay Xildhibaan Shariif Xasan Shikh Aadan lana Dooonayo in maamul loogu samayn doono Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
aw suldaan waa lagaa badan yahay deegaanka shirka baydhabo way socotaa kuguhaboon inaad aadid oo ka qayb gahid kuwo layqaan ee biyamaal ayaa shirka ku jiraan , haddii aab bugta tahay meeehsaadi ku hees hees mashaqada biyamaal ka haysato habar gidir ku jihaad waad helee masabka suldaaninmo