Home » Warar »

Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Dood Wadaag ku Saabsan Sameynta Siyaasad Qaran oo lagu Hago Howlaha Samafalka iyo Adeegga Bulshada ee Dalka.

Talaadadii oo ay taariikhdu ahayd 10 December 2013 waxay Daladda SOSCENSA ku qabatay Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdiso kulan wada Tashi ah oo ay ka soo qayb galeen Xubno ka socda Dowladda, Hay’adaha samafalka, iyo Ururada Bulshadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

somali109

Kulankaan ayaa wuxuu daba socdaa kulan ay Daladdu horay u qabatay Bishii August 2013 kaas oo laga soo saaray talooyin ku saabsan baahida gargaarka iyo adeega bulshada ee dalka. Talooyinkii kulankaas ka soo baxay waxaa ka mid ahaa samaynta siyaasad qaran oo ku saabsan gargaarka iyo adeega bulshada. Sidaa darteed iyadoo Daladda SOSCENSA fulineysa talooyinkii ka soo baxay kulankii August 2013, ayaa ka qaybgalayaashu soo saareen qodobada hoos ku qoran.

BAAQ:

In la sameeyo Guddi Qaran oo dejiya Siyaasadda Qaran ee Samafalka ayna ku jiraan dhamaan qaybaha muhiimka u ah Gargaarka iyo Samafalka

In qiimeyn lagu sameeyo baahida Adeega Bulsho/ Gargaar ee Dalka ka jira

In la kala cadeeyo Doorarka Hay’adaha Dowladda ee la xiriira arrimaha Samafalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC)oo Xustey  Maalinta Xaquuqda Aadanaha.

Sanadkii 2013 waxaa Soomaaliya ka dhacay 455 Xadgudub.

Iyadoo maanta ku beegan tahay Maalinta Xaquuqda Aadanaha Adduunka 10-ka December  ayaa Munaasabad ku Aadan maalinkaa ayaa Xarunta Somali Women Developments Center  (SWDC)  lagu qabtey Munaasabad  Waxaa ka qayb galey masuuliyiin ka tirsan Dowaldda Federaalka qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culima’udiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Masuuliyiinta SWDC  , Haween iyo Dhalinyaro,

waxaana ugu horeyntii halkaa ka Hadley Maryan Daqal Xuseen oo ka mid Masuuliyiinta  Xarunta Somali Women Developments Center  (SWDC) ayaa waxay ku dheeraatey Sannadkii dhacay wixii Xadgudub ah ee Dalka ka dhacay waxayna sheegtey in Sannadkii laga soo bilaabo Janaayo ilaa November  ay dhaceen ila 455 Xadgudub oo isku jiray Dil , Kufsi ,isku day Kufsi, Hanjabaad , Xarig iyo wixii la mid ah , waxayna sheegety in Xarunta ay soo jeedineyso in Bulshada ay ku dadaallaan sidii loo joojin lahaa Xadgudubyadaas.

Waxa kaloo halkaa ka hadley Ibraahim Maxamed Cali oo ka mida Xarunta SWDC ,waxaana uu sheegey in Hayadda Sannadkii tagey ay ku dadaashey sidii dalka looga  joojin lahaa Xadgudub loo geysto Bulshada gaar ahaan Haweenka uu sheegey in ay yihiin kuwa ugu Nugul Bulshada loona baahan yahay in si gaar ah loo ilaaliyo.

Waxa sidoo kale halkaa ka Hadley Culimau’diin waxayna yiraahdeen “Ummadihii hore waxaa Ilaah ku Halaagey Xadgudubyo ay sameeyeen marka Xadgudubyadaas kuwa la mid ah waxay ka dhaceen Dalkeen marka waa in Bulshada ay u is taagto sidoo looga hortagi lahaa Xagudubyadaas  oo ka dhanka ah  Diinta Islaamka “

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha  Xaquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn waxay u Mahadcelisey Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC)   oo ay sheegtey in ay wax badan ka qabatey Xadgudubyada Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka waxayna ugu baaqdey Xarunta in ay sii laba jibaaraan sidii looga hortagi lahaa in dalka ay ka dhacaan Xadgudubyo waxay sii raacisey “Maanta waxaa loo Dabaaldegetaa Sannad Guuradii 65 ee maalinta Xaquuqul Insaanka waxaana Sannadkii tagey dalkeena ka dhacay Xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, sidaa darteed Dowlada Federaalka waxay balan qaadeysaa sidii loo joojin lahaa Xadgudubyadaas”

Waxaa Gudoomiyaha Xaquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Khadiijo Maxamed Diiriye  ay halkaa ka Akhrisey War-Saxaafadeed ku Aadan Maalinta Xaquuqda Aadanaha waxaana uu u Qornaa War-Saxaafadeedkaas Sidatan:

Maanta oo ay ku began tahay 65 Guuradii Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanah oo la soo saaray 1948dii marka loo fiiriyo dalkeena sanadkan 2013 waxa uu ahaa Sanad murugo iyo dhibaato u ah Soomaaliya xili dhaceen Dhibaatooyin fara badan oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha. Dhibaatooyinkaan waxaa sameeyay dad kala du  duwan oo ujeedooyin kala duwan lahaa. Tacadiyada dhacay waxa ay isugu jireen Dilal Qorsheesan Qaraxyo Ismiidaamin iyo Miino Dhulka la geliyo kuwaas oo sababay Dhimashada dad rayid ah oo iskugu jira dad u dooda Xuquuqda Aadana, Saxafiyiin Shaqaale Dowladeed iyo kuwa kale. Dadkaan ayaa dhintay ayagoo ku jira shaqooyin kala duwan oo ay ku Caawinaayeen Umadooda Dhibaateysan. Waxaase Nasiibdaro ah Dadki falalkaan ka dambeeyay oo aan Cadaalada la hHrkeenin taas oo noqatay Su’aal ku taagan Maskaxda qof waliba oo Soomaali ah.

Waxaa la dhisay Dowlad Federal ah oo taageero xoogan ka heysata Beesha Caalamka laakiin waxqabadkii laga filanaayay wuu ka yar yahay marka loo fiiriyo awooda ay leedahay. Dowladda waxaa looga fadhiyaa in ay wax qabadkeeda sare u qaado iyadoo ka faa’iidasaneysa kalsoonida Shacabkeeda iyo Taageerada Muga weyn ee Beesha Caalamka

Taasina waxa ay u baahan tahay dadaalo wadajir ah oo ay sameeyaan dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ah, Dowladda iyo Beesha Caalamka. Haddii tan lagu guuleysto waxaa la arki doonaa Natiijo wax ku ool ah oo u furta bog cusub oo leh horumar iyo dib u dhis Shacabka Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waxay Dhaxashay dhamaan heshiisyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo heshiisyo aysan wali qeyb ka ahayn sida kan Caruurta, waxaa kaloo is gaar ah Dowlada Soomaaliya looga filayaa hirgalinta heshiiskii 7-da Bishii 5aad 2013 oo uu soo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ee ilaalinta Xadgudubyada iyo Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.Diinta islaamka waxa ay si weyn u ilaalisay Sharafka iyo Karaamada Biniaadamka, Cutubka 2aad ee Dastuurka Federaalka ku meel gaarka ah si cad ayey ugu qeexan tahay.

 

Gudiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arimaha Bini aadamnimada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka waa in ay iska kaashadaan Hal Abuurku lagu dhisi lahaa Hay’ado Qaran iyo Diyaarinta Shuruuc Dhaxal gal ah oo ka Turjumeysa rabitaanka Shacabka si dalka uu sare ugu qaado ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, Dowlad Wanaaga, sareynta Sharciga iyo soo celinta Amniga iyo kala dambeynta.

Gudiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arimaha Bini aadamnimada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka wuxuu Hambalyo iyo Bogaadin u soo jeedinayaa Ururka Hormarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) oo soo qabanqaabiyay Xafladaan, waxaana anigoo ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arimaha Biniaadamnimada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka uga Mahadcelinayaa sidii ay gacan nooga siiyeen Howlaha gudiga gaar ahaan xiligii aan qabaneynay 28-kii April 2013 shirweynihii la tashiga Dadweyne ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.