Home » Faallo »

ISLII DHALAAL IYO DHOOQO (3) !!!!!!! BEEN MA SHEEGO WAASE IS DHISAA .

HORUDHAC :

saahid1Akhristoow waxaan dhowr jeer wax ka qoray xaafadda caanka ah ee Soomaalidu u badan tahay ee ISLII ( Eastleigh ) eek u taal Magaallada Nairobi, kiinya .

Ereyga been ma sheego waase is dhisaa waxaan ka soo shaxaaday Filim Masaari ah oo uu jilay Jilaagii weyn ee luulka dahabiga ah ee Axmed ZAki , waa Atoore caan ku ah musalsalaadka Masaarida waa Masri Madoow oo Reer Nuubi ah se aad u Qurux badan.

Waa Atoore aad loo jecel yahay haatan wuu dhintay Allaah yarxamuhu, haatan ka hor ayuu jilay filim la magac baxay :

(BEEN MA SHEEGO WAASE IS DHISAA ) Filimkaas oo uu jilaayey wiil Masaari ah oo faqri ah se nasiib u helay in uu jaamicad dhigto.

Wiilkaas oo ku nool Xaafad isku raran ah oo ku taal Qabuuraha Magaallada ee Qaahira, waa xaafad ay degan yihiin dad dan yar ah oon waxba haysan.

Wiilka uu jilaayo Axmed Zaki ayaa ah wiil dani ka muuqato se is dhisa , wuxuu qabaa hal isku joog oo uu maalin walba soo dhaqdo, ileen horaa Soomaalidu u tiri ( Arad waa dan uskagna waa doqoniimo ) Haddaan u jilciyo maahmaahdaan dadka Reer xamarka ah waxaa laga wadaa : dhar badan in aadan haysanin waa arrin Dan ah se in uu wasaqoobo waa doqonnimo , waxaa laga wadaa wasaqda laguuguma dulqaadanaayo.

Wiilkaas xataa feero ma haysto wuxuu dharkiisa ku feereystaa Baaquli balaadhan buu duxulo dab ah ka buuxshaa markaas buu maryo adadag geesaha uga qabtaa oo uu wax ku feeraystaa.

Waxaa kaloo wiilkaas caan ku ahaa marka jaamicadda laga soo baxo, in uu siduu u socdo uu galo xaafad u dhaw jaamicadda Sar dheer oo degaan ah ( High rise Apartments) si uu ardayda u yiraahdo halkaan baan deganahay.

Kadib in cabaar ah ayuu ka soo baxaa asagoo Garbaatigiisii ( neck tie) jeebka gashanaaya, kadib ayuu aadaa meeshii uu ka raaci jiray Xaajiyadii cariiriga aheyd ee u socotay xaafadda waxaracadde ama Qabuuraha .

Baabuurkaas caasiga ah ayaa waxaa soo raaca dad dan yar ah kuwa dooro sita, kuwo caws sita ,kuwo baca waaweyn jiidaaya , habro iyo odoyaal faqiirnimo ka muuqato.

Axmed zaki waa wiil waxbarashada ku fiican , wuxuu kasbaday dhalinyaro faro badan oo ay isku fasal yihiin waliba gabar Reer ladan ka dhalatay oo masaleysa Aatariishadii filimka , haatan magaciidii ma xasuusto tallow ma waxay aheyd Atariishadii weyneyd ee Najla fatxiya.

Axmed zaki iyo najla saaxiib isku dhaw ayey noqdeen, se ma uusan u sheegin danihiisa gaarka ah iyo Faqrinimadiisa ee markasta ay isa soo raacaan waxuu gala Dabaqii dheeraa ee uu Beenta ku deganaa sidaas bay isku macasalaameeyaan, marna Gurigiisa kuma casuumin.

Mar mar ayey gurigooda oo aad u Qurux badn ku casuumtaa ,se markii ay ka codsato in ay gurigiisa u raacdo wuu ka cudurdaartaa.

Maalintii danbe ayey Najla ka shakisay in uu Dabaqaan degan yahay markii uu galay ayey cabaar banaanka ku sugtay waxaa soo baxay asagii oo garabaatigiisii jiibka gashatay oo xoog u lixaadsanaaya si uu Caasigiisii dabada uga qabsado , sidaas buu sameeyey oo caasi buuxa dabada uga dhagay, Najla Taxi ayey ka daba qaadatay oo ku tiri Baabuurkaas raac ( follow that Car) xaajiyadii uu Ahmed uga degay meeshii uu uga dagi jiray oo gurigoodii Qubuuraha ku dhex yaalay galay.

Najla ayaa Tagsiilihii ku tiri halkaan igu sug , markaas bal hal cabaar ah kadib gurigii ka daba gashay asagoo jalabiyaddii ama Qamiiskiisii gashtay oo cuno cunaaya ayey gurigii soo gashay , markuu arkay buu aad u naxay .

Waxay ku tiri ma halkaan baad degan tahay ??? waa Guri aad u liito oo Dameer iyo dooro qeyb ka degan yihiin , markaas buu ku yiri Haa, markaas bay u raacisay Maxaad beenta iigu sheegi jirtay, markkaas buu ku jawaabay ( BEEN KUUMA SHEEGIN WAASE IS DHISAA ) !!!!!.

Akhristoow Ereyaddan baan soo xasuustay maalin dhaweyd oo Eastleigh Baabuur BL ah oo ay yiraahdaan ( Mataatuu ) aan u raacay faras magaalaha ama ( Down town ) ka annigoo Garbaati iyo suite qaba , markaas baan intaan garabaatigii iska siibay ayaan Jeebka gashtay sidii Ahmed Zaki, markaan Down town-ka tagay ayaan maqaayad Soomaaliyeed galay oo la yiraahdo ( City Star) toosna u aaday Musqusha si aan ugu soo labisto garabaatigii waa dhacdo qosol leh :

( BEEN MA SHEEGO WAASE IS DHISAA ) !!!!! kaligey ma ahan waase la ila qabaa !!!!.

Akhristoow haatan waxaad iga sugtaa waa maxay farqiga u dhaxeeya in aad Taxi ku tagto ( down town ) ka iyo in aad mataatuu raacdid ???!!! .

Farqigu waa 970 shilin , taxigu waa 1000 shilin , mataatuu 30 shilin .

Akhristoow haddii aad degan tahay Eastleigh waxaad ku noolaan kartaa jeebkaaga, waxaa laga yaabaa in Qof maalintii Cunnadiisu noqoto seddexda waqti 200 shilin ama mararka qaarkood 100 shilin , haddii kale in uu maalintii qarashkaaga cuntadu noqdo 1000 shilin .

Habeenkii markaad Cishaha ku tukatid masjidka weyn ee Caanka ah ee Six Street waa Masjidka uu Imaamka ka yahay Shiikh Umul Xafidahu laah.

Dhankiisa danbe waa seven street waxaa ku taal maqaayad la yiraahdo kaliminjaro restaurant , Akhristoow ma ahan midda caanka ah ee 12 Street , ee waa mid yar oo Muufo laga cunno Habeenkii .

Waxaad dalbaneysaa casho Muufo ah waxaa lagu siinayaa 3 Muufo oo kulul , baroodo, moos iyo saliid macasaro ku hoori iyo koob biyo caadi ah.

Qarshku waa 100 shilin caadi ma ahan , haddii kale 50 shilin ayaad ka cuneysaa kiinyaatiga banaanka ku karsha canbuulada ama digirta maharagga , jeebkaadu yuusan ku ciilin.

Haddiise aad tagto maqaayadda kaliminjaaro ee 12 streer waxaa lagaa soo furanayaa 500 shilin ama ka badan casho ka kooban kooto baasto iyo steak iyo cabitaan qasan, akhristoow koto means quarter, adi lee waaye .

AROOSKA ISLII Eastleigh caadi ma ahan :

Akhristoow Arooska Islii caadi ma ahan waxaan ku tilmaami karaa ( faqiir Mustakabir) waa duul faqiir ah se madaxa dhulka ka qaadaya.

Waa Aroos qaadanaaya 15 cisho oo ka kooban 3 xafladood oo waaweyn oo laga duubaayo Cajallado qaali ah.

Marka hore waa Qaddo lagu dhigaayo Hoteellada waaweyn ee Eastliegh, sida Al- bushra Hotel, AL-barakaat Hoteel, Al-andulus Hotel, Bin Cali Hotel, Nomad Hoteel, Grand Royal Hoteel waa midka ugu casrisan . IWM.

Qaddadaas iyo Nikaaxu wuxuu cagacageynayaa 80,000 kun shilin waa 1000 dollar ilaa 1200 kun dollar.

Haddana Habeenkii ayaa casho Ciyaar ( Dancing) oo koox la casuumaayo iyo casho ka waran hee !!!

Kooxda heesaysa waa ugu yaraan $ 200-300 Dollar.

Maalinta 7aad waa Shaash saar iyo Buraanbur casho khafiif ah , Buraanburka waa $200 doolar .Studio-ha Duubaaya cajalladda waa 200-300 oo dollar.

Akhristoow intaas oo kale waa lagu dhigaa Aroosyadda Dadka aan Wadaada aheyn ,balse waligaa ma maqashay xafladda shan iyo tobnaadka , annigu ma maqlin ee bal adigu ma maqashay.

Waa xaflad ay gabadho ku casuumeyso wiilashii horay u yaqaanay ay saaxiibnimada caadiga ama macrifadu ka dhaxeysay !!! Guriga Arooska ayaa lagu dhigaayaa wiilasha ka soo qeyb galay waa heesaayaan ,kadib waxaa la siinaayaa Hadiyaddo loogu talo galay. Faqiir mustakbir.

Maqaaalka Islii Dhalaal iyo Dhooqo waxaan ku soo gabagabeynayaa ereyaddi been ma sheego se waan is dhisaa ayaa xaafadda ka socota , marka ha ku kadsoomin !!!!.

 

MAHADSANIDIIN.

 

SAAHID MOHAMED YUSUF

Eastleigh,Nairobi.

sahidyusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.