Home » Warar »

Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay Ururka iskaashiga Islaamka howlgelinta Sanduuqa kaalmada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed  

Maalintii labaad ayaa waxaa ka soconaya Caasimadda Conakry ee dalka Guinea Shirka 40-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada islaamka ee ku midoobay Ururka iskaashiga islaamka, iyadoo kulankaasi uu u matalayo dowladda Federaalka Soomaaliya Abdirizak Siyad Abdi oo ah ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka iskaashiga islaamka , Xaruntiisa Jeddah.

Shirkani oo qorshihiisu yahay inuu socdo maalmaha kala ah 9-11 December,halkudhigiisuna yahay ilbaxnimada oo laga wada hadlo waa dhaqan nabadgelyo iyo horumar joogto ah ,  ayaa waxaa shirgudoominaya Wasiirka Arrimaha dibadda Guinea Lounceny Fall, iyadoo laga hadlay arrimaha Palestine , Syria , Mali,Somalia,Qowmiyadda muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar , iyo isbadalada uu sameeyay ururka tan iyo shir madaxeedkii gaarka ahaa ee lagu qabtay Magaalada Makkah Al-mukarramah sanadkii 2005-tii .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka codsatay Ururka iskaashiga islaamka inuu howl-geliyo Sanduuqa kaalmada Soomaaliya , iyadoo la tixraacayo go’aanadii ka soo kala baxay shirar madaxeedyadii lagu kala qabtay wadamada Kazakhstan sanadkii 2011-kii , iyo Djibouti sanadkii 2012-kii .

somali110

Shirkani oo lagu wado in maalinta beri ah laga soo saaro war murtiyeed , ayaa ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka iskaashiga islaamka Abdirizak Siyad Abdi uu jeedinayaa khudbad uu ku qeexayo horumarka balaaran ee dhinaca nabad gelyada iyo dowlad wanaaga ee ka dhaqan galay wadanka Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay , taasoo qeyb ka ah barnaamijyada horumarka leh ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso helidda iyo fulinta qorshayaasha dib u dhiska iyo maalgeshiga .

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.