Home » Warar »

Dagaal Saacado Socdey oo ka dhacay Degaanka Birta-Dheer ee Gobolka Gedo .

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal qaraar uu ka dhacay Degaanka Birta dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Garbahaareey iyo Baar-dheere. Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo kuwa Xarakada Shabaab ayaa ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana uu saacado fara badan soconayay.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday ciidamada Dawladda kuwaasoo weerarkooda la beegsaday fariisimo Xarakada Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Birta Dheer oo ay ku sugnaayeen Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Warar horudhac ah oo dadka degaanka laga helayo ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyay. Labada dhinac oo dagaalku u dhaxeeyo ayaan ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay degaanka Birta dheer ee gobolka Gedo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Dawladda oo lagu magacaabo Cabdi Barre ayaa sheegay inuusan haatan wax hadal ah bixin karin maadaama ay ku jiraan dagaal laakiin marka uu dagaalku uu soo afjarmo ay Saxaafadda siin doonaan tafaasiil dheeraad ah.Magaalooyinka Garbahaareey iyo Baar-dheere ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog badan oo ay wadaan labada dhinac oo gurmad ay ku gaarsiinayaan goobaha dagaalka oo iminka halkaa ka soconaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.