Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya ka Dooday Hindise Sharciyeedyo Khuseeya Badda iyo Qaxootiga

Fadhiga Baarlamaanka waxaa goob jooge ka ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare…

Kalfadhigii Sedaxaad Fadhigiisii 37aad ayay xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waxay Axad December 8, 2013 isugu yimaadeen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho. Fadhiga waxaa oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ahaa mid diiradda lagu saarayay Hindise Sharciyeedyada Badda Soomaaliya iyo Barakacayaasha.

Fadhiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Qare iyo Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.Shirka ayaa waxa uu Dhagaystay qoraalo ay halkaa ka akhriyeen mas’uuliyiintii ka kala socotay Ciidanka Badda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

somali108

Sidoo kale waxaa iyaduna warbixino laga dhagaystay Hay’adda Cilmi baarista Badaha kuwaasoo dhamaantoodba ka hadlay Caqabadaha iyo Duruufaha jira.Dhagaysiga Warbixinadaas kaddib ayaa waxaa Shirkii soo xiray Guddoomiyaha Barlamaanka iyadoona loo balamay in maalinimada Talaadada ah ee soo socoto uu Goluhu ka doodo dhamaanba Hindise Sharciyeedyada arrimaha Badda iyo Barakacayaasha.

Si kastaba shirka ayaa ka duwanaa Shirkii Barlamaanku kalsoonida kala noqonayay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay soo xaadireen in ka badan laba boqol oo xildhibaan halka maanta arunta ay ku sugnaayeen Xildhibaano tiradoodu ka yartahay Boqol iyo Lixdan Mudane.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.