Home » Faallo »

Mudane Maxamud Xaaji Xasan Cali Askar Oo ugu Cad Cad Musharixiinta Ra’iisal Wasaaraha Dalka Soomaaliya

Xiligan oo laga Dhursugayo Madaxweyne xasan sheikh maxamuud inuu
keeno bedelkii Raisal Wasaare saacid oo dhowaan xilkii laga qaaday ayaa
laga dareemayaa xafiska Madaxweynaha dDwlada Somalia xulufaysiga xam
xamta hoose oo aad ugu badan islamarkaana uu ka jiro xarig jidadka
siyasadeed ee kala riixashada jagadan Raisal Wasaarenimo ee Dowlada
Somalia .

Mudane Maxamud Xaaji Xasan Cali Askar oo la sheegey in uu u muuqda ninka sida dhabta ah ugu cad cad Magacaabista Raisal Wasaarenimo ee dalka ayaa iyadoo xalay ilaa
maanta si weyn looga dareemayo Magaalada Muqdisho taasoo ah mid si
weyn isu soo taraysa islamarkana marba marka ka dambaysa sida
mowjadii uga soo burqanaysa Xafiiska Madaxweynaha iyo la
Taliyeyaashiisa .
askar

Hadaba waa nin caynkee ah Maxamuud Xaaji Xasan Cali Askar ,, oo ah nin
si weyn looga qadariyo Dalka Maraykanka islamarkana degan isla dalkaasi
ayaa ah Ganacsade uu dhalay ,Ganacsade Xaaji Xasan Cali Askar oo
Muqdisho ku lahaan jiray Shirkado soo Dejinta iyo DDhoofinta ah
islamarkana lahaa Shirkadii ugu weynaa Dhoofinta Xoolaha Nool xiligii
Dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre kaasoo mudo laga joogo
qiyaastii Sagaal Sano hor ku geeriyooday Dalkaasi Maraykanka ayaa isla
isaguna ah ganacsade weyn oo Hantidiisu u ka kala shaqeyso Dalal dhowr
ah oo kala ah Maraykanka ,Somalia iyo weliba Kenya.

Md .Maxamud xaaji xasan cali askar ayaa hore loogu sameeyey soo
dhoweyn mug iyo miisaan leh xili uu soo gaarayey magaalada muqdisho
taasoo ay soo dhoweyeen in ka badan 170 mudane oo ka tirsan
xildhibaanada f Somalia ,fanaaniin ,siyaasiyiin iyo weliba qaybaha
bulshada somalida iyadoo markaasna lagu soo gelbiyey gawaarida
gaashaaman ee ciidamada AMISOM iyo kuwa ciidamada dowlada Somalia

Maxamud Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu si weyn wax uga qabtay
Xiliyadii isbedelkii ku meel gaarka ee loo gudbay Dowlad Federaalka Soomaliyeed
xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka islamarkaana wax qabad muuqda ka
sameeyey xiriirada dibada ayaa iminka ku sugan Magaalada Muqdisho
tasoo uu kulamo kala duwan la qaadanayo Xildhibaano ,Siyaasiyiin
,Waxgarad iyo qaybaha Bulshada .

Si kastaba amuurtu ha ahaatee masuulkan ayaa maalintii shalay soo
gaaray Magaalada muqdisho taasoo ay soo dhoweeyeen Xildhibano ka
tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Masuuliyiin iyo waxgarad kale kuwaasoo
lagu soo gelbiyey Gawaarida AMISOM

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.