Home » Warar »

Hay’adda Iniskoy oo Malmahaan waday Wacyigelin looga hadlaayo Xuquuqda Haweenka Soomaailyeed

Laga soo bilaabo 25 November waxaa guud ahaan Soomaaliya ka bilowday Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku aadan Xuquuqda Haween iyo dhibaatooyinka loo geysto waxaana baramaijyadaas Ololaha ah loo qabanaayey qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culumaa’udiinka, Haweenka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, waxaana sababaha loo qabtay Ololahaas ay ahaayeen sidii bulshada loogu jiheyn lahaa ama loogu dardar siin lahaa in laga hortago dhibaatooyinka loo geysto haweenka.

Hey’adda Iniskoy for Peace and Development Organization oo ka shaqeysa arrimaha Xuquuqa Aadanaha ayaa waxay Barnamij wacyigelin ah ay ka wadaa qeybo badan oo ka mid ah Somalia gaar ahaan South Central Zones, waxaana Ololahaas uu isugu jirey siminaaro iyo Tababaro loo qabanaayo bulshada qeybaheeda kala duwan

(16 Days Activism Campaign)

somali105

Waxaa kala qayb qaadanayey ololahaas Hey’ado kala duwan sida UNSOM, SIHA. waxaana Ololahaas Diiraddas lagu saarayey sidii dadka loogu Buraarujin lahaa dhowrista xuquuqda Haweenka ay leeyihiin maadaama Soomaliya ay ka dhacaan xadgudubyo kala duwan oo ka dhan ah haween ka Soomaaliyeed sida Kufsiga, Dilalaka, Xariga iwim.

Barnaamijyadaas wacyigelinta ayaa mudadii 25-Nov ilaa laga gaaraayo 10 Dec 2013 ay ka soconayaan Idaacadaha iyadoo Diirada lagu saarayey dhibaatooyinka haweenka loo geysto,Iyadoo qaar xubnihii ka qeyb galay barnaamijyadaas taxanaha ahaa ee lagu wacyigelinaayey Xuquuqda Haweenka waxay sheegeen inuu ahaa barnaamij aad iyo aad loogu baahnaa in Bulshada Dhexdeeda lagu qabto lana Buraarujiyo sidii loo difaaci lahaa Xuquuqda Haweenka.

Ugu dambeyntii 10 December 2013 waa maalin Qaramada Midoobay ay u asteysay maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka ayaa waxaa maalinkaas si gaar ah loo qaban doonaa Xusas iyo Xaflado waaweyn oo loogaga hadlaayo dhamaan Xuquuqda Aadanaha.Waxaana Sanadkaan si gaar ah hal ku dhiga uu yahay (PEACE IN THE HOME TO PEACE IN THE WORLD: LET’S CHALLENGE MILITARISM AND END VIOLENCE AGAINST WOEMN)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.