Home » Warar »

Madaxtooyada Soomaaliya: Xafiiska Warfaafinta waxa uu raali gelin ka bixinayaa qalad ka dhacay mid ka mid ah howl-wadeenada.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Nelson Mandela wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha dunida kuwooda aadka loo xushmeeyo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu uga tacsiyeeyey dhammaan umaddda Afrikaanka ah gaar ahaan Shacabka iyo Dowladdda K/Afrika geeridii ku timid Madaxweynihii Hore ee K/Afrika Nelson Mandela.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Nelson Mandela uu ahaa halyeey Afrikaan ah oo door-muhiim ah ka soo qaatay halgankii midab kala sooca islmarkaana ka mid ahaa hogaamiyayaasha dunida kuwooda aadka loo xushmeeyo.

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh aduunka islamarkaana wuxuu ahaa nabadoon, waana laga wada xusayaa dhammaan Qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhammaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Nelson Mandela in uu ahaa hogaamiye difaacayey Dimuqraadiyadda islamar-kaan u ololeeya bulsho xor ah oo ka madax-banaan cabsi iyo gumeeysi.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia


Qoraalkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya:

Madaxweyne Xassan “Mandela wuxuu hormuud u ahaa dhamaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda.”

INAA LILAAH WAINAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud Anigoo kuhadlaya magaca Dowlada kan Shacabka iyo Keygaba waxaan uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo shacabka Koonfor Afrika, qaasatan ehelada iyo asxaabta Geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Marxuun Nelson Mandela waxaana eebe uga baryeynaa inuu eebe unaxariisto eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan kasiiyo.

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh aduunka. Geeridda Geesiga Afrika, Mandela oo ahaa nabadoon waa laga wada xusayaa dhamaan qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhamaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda.”

Wixii faah faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta ee Villa
Somalia, Malik Abdalla mabdalla@presidency.gov.so
Communication Office

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.