Home » Warar »

Maxaa Xigi Doono Ridistii Xukuumadii Saacid

Yaa Noqon Doona Raiisul wasaaraha 16-aad

Iyadoo Maalintii Shaley ahayd Dec 2, 2013 Baarlamaanka Soomaaliya uu Codka Kalsoonida ku Tuurey Raiisul Wasaarihii Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaar ka mid ah Qaybaha Bulshada , Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano waxay aragtiyo kala duwan ka bixyeen qaabkii loo ridey Raiisul wasaaraha

Xildhibaan  Cali Khaliif Galeyr oo isagu ahaa nin si aad ah uga soo Horjeedey in la rido Raiisul Wasaaraha ayaa yiri “ Waayo aragnimo ayaan u leeyahay marka ay is qabtaan Madaxweyne iyo Raiisul Wasaare , waxaana Xaqiiqo ah in Khilaafkii Dhexmarey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid uu Gardarnaa Madaxweynaha” waxaa uu sii raaciyey “ Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegey Rag isku Xiran marka waxaa Dhab in waqti aan sidaa u fogeyn Mooshino la keeni Doono”

Qaramada Midoobey ayaa si Taxadar leh u soo Dhaweysey Go’aankii uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida kala laabtey ama ku ridey Raiisul wasaare Saacid  waxayna Sheegtey in Hayadaha Dowladda ay gaarayaan “Biseyl Siyaasadeed”  waxayna Qaramada Midoobey Soomaaliya u joogtaa sidii Dowladda Fedraalka u taageeri lahayd  iyadoo sheegety in Raiisul Wasaare Saacid uu ahaa Shaqsi ay ka ga’an tahay Barnaamijka Hiigsiga Soomaaliya .

Xildhibaan  Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa in la tuuro Xukuumada saacid ayaa yiri “Mar hore ayaa laga rabey in Xukuumadu is Difaacdo, hada waxaa Difaacaya Xildhibaanada taageesan marka waxaa Xaqiio ah in Xukuumada ay ku fashilantey waxyaabihii loo Idmadey”

Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadlay wax yar ka dib  Ridistii Xukuumadii Saacid  ayaa soo dhaweeyey  Go’aankii Baarlamaanka ee ay ku tuureen Xukuumadaas waxaana uu meesha ka saarey in Khilaaf uu kala dhaxeeyey Raiisul Wasaarihisii ,isagoo sheegey in Khilaafku u ahaa wax aan  sidaa u Buurneyn isku qabteen wax uu ku tilmaamey  Fikir oo keliya

“ Waa Garadaro aan geed loogu soo Gabban in Xilgaan la tuuro Raiisul Wasaare Saacid waayo dalka waxaa uu ku jiraa Xaalad adag marka aniga ilama Habooneyn in Saacadaan la Rido Saacid iyo Xukuumadiisa” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed  oo si weyn uga soo Horjeedey Qaabkii loo tuurey Raiisul wasaaraha waayo waxaa uu ahaa Raiisul Wasaare aad u Dulqaad badan ilaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee laga gaarayey in Baarlamaanka uu Tuuro waxaana ku Tilaami karaa Geesi Garab waayey

Raiisul Wasaarahaan  uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida ku Ridey ayaa Noqonayaa Raiisul Wasaarihii 15 aad ee Dalka yeesho tan iyo markii uu   Dalku qaatey Xornimada 1960  waxayna kala ahaayeen

  • 1-    Cabdirashiid Cali Sharmaarke
  • 2-    Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  • 3-    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  • 4-    Maxamed Cali Samater
  • 5-    Maxamed Xawaadle Madar
  • 6-    Cumar Carte Qaalib
  • 7-    Cali Khaliif Galeyr
  • 8-    Xasan Abshir Faarax
  • 9-    Maxamed Cabdi Yuusuf
  • 10- Cali Maxamed Geedi
  • 11- Nuur  Xasan Xuseen
  • 12- Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaarke
  • 13- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  • 14- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  • 15- Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
  • 16-   ????

Waxaa dad badan isweydiinayaan Waxaa Xigi doono mar hadii la Tuurey Xukuumadii  Raiisul Wasaare Saacid iyo Cidda uu noqon doono Raiisul Wasaaraha 16 aad  ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.