Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Kalsoonidii kala laabtay Ra’iisul Wasaare Shirdoon

Ra’iisul Wasaare Saacid oo Xilkiisii waayey:

Dood dheer kaddib, ayaa Maanta Isniin Deceember 2013 waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya cod gacan taag ah ugu codeeyeen in xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon lagala laabto kalsoonida.

Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, waxana uu sheegay in 249 xildhibaan ay codkooda dhiibteen. Waxaana in xukuumadda kalsoonida lagala laabto u codeeyey 184 xildhibaan, halka ay 64 xildhibaan codkooda siiyeen xukuumadda, mana jirto cid ka aamustay.

Sidaas ayuu xilkiisa ku waayey ra’iisul wasaarahii DFS.

Arrintan kalsooni kala laabashada xukuumadda ayaa timid kaddib markii khilaaf soo dhex galay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha DFS.

Sida ay faafiyeen warbaahinta ku hadasha afka madaxtooyada Villa Soomaaliya, “Madaxweynaha hDawladda Federaalka ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu baarlamaanka soomalaiya codka kalsoonida uu kala laabtay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon”, waxana “uu baarlamaanka ku amaanay go’aanka geesinimada leh oo ay qaateen”, waa sida warbaahinta ku hadasha afka madaxtooyadu ay warka u dhigtay’e.

Madaxweynaha ayaa laga filayaa in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, kaddibna baarlamaanka la hor geeyo si ay u ansixiyaan sida uu dhigayo Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Khudbaddii Ra’iisul Wasaarahu ugu talo galay Golaha Shacabka

December 2, 2013: Warsaxaafadeed uu soo saaray ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa lagu soo bandhigay khudbadii uu ugu talo galay in uu u jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin baarlamaanku diidey inuu hor tago si uu isaga difaaco eedaymaah loo soo jeediyey.

Warsaxaadeedka ayaa u qornaa sidan:

Khudbaddii Ra’iisul Wasaarahu ugu talo galay Golaha Shacabka

Halkan waxaa ku lifaaqan khudbadii Ra’iisul Wasaaraha Xukeemada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ee uu ugu talagalay inuu ka jeediyo Golaha Shacabka oo ah mid is fasiraysa.

Lifaaqa khudbada oo ah PDF
http://media.wix.com/ugd/68175a_2205a19965774a36b9ca49eb4a4ea170.pdf

DHAMAAD

Xafiiska Agaasinka Warbaahinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Website: www.opm.gov.so
Email: media@opm.gov.so

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo Gabagabeeyey Doodii kalsooni kala laabashada Ra’iisul Wasaaraha

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankii maanta Isniin December 2013 waxay soo gabagabeeyeen doodii kalsooni kala laabashada xukuumadda Ra’iisul Wasarahah Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Dood kaddib waxaa codka kalsooni kala laabashada loo qaaday xukuumadda.

December 1, 2013: Baarlamaanka Soomaaliya oo Diidey in uu Hor yimaado Ra’iisul Wasare Shirdoon si uu isaga difaaco Mooshinka kalsoonida loogala laabanayo

Kulankii Axadii December 1, 2013 isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka DFS oo tiradoodu gaarayso 247 xildhibaan ayaa looga dooday sidii laga yeeli lahaa codsi uu Ra’iisul Wasaraha Dawlada Federaalka usoo gudbiyey baarlamaanka, kana dalbaday in loo ogolaado in uu baarlamaanka hor yimaado si uu isu difaaco, una difaaco xukuumadiisa oo laga keenay mooshin dhan ka ah ee la doonayo in kalsoonida lagala laabto.

shirdoon1Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay u codeeyaan in Ra’iisul wasaaraha DFS uu hor yimaado baarlamaanka si uu isaga difaaco mooshinka laga keenay xukuumadiisa iyo eedaymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan wax qabad la’aanta xukuumadiisa.

Codkii loo qaaday waxa uu noqday in 141 xildhibaan diideen in ra’iisul wasaarahu uu hor yimaado baarlamaanka, waxaana ogolaaday 8 xildhibaan, waxaana ka aamusay 75 xildhibaan. Waxaana la sheegay in ay soo xaadireen 247 xildhibaan laakiin tirada cod bixinta ka dhiman lama shaacin.

Sidaas ayaa baarlamaanka DFS ku go’aamiyey in aan ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon hor imaan baarlamaanka. Waxaana meeshii ka sii socday doodii kalsoonida kala laabashada xukuumadiisa. Waxaana baarlamaanku kulanka dooda mooshinkaas ka dhanka ah sii wadey Isniinta December 2, 2013, kaddibna baarlamaanku u codeeyey kalsooni kala laabashaada Shirdoon iyo xukuumadiisa.

Baarlamaanka Federaalka oo maanta Codka Kalsoonida kala laabtey Xukuumadii Raisul Wasaare Saacid

Iyadoo maalmahii la soo dhaafey uu jirey Is Mari waa Siyaasadeed uu u dhaxeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa is mari waagaas waxaa uu markii Dambe ku Biya Shubtey in Mooshin laga keeni Raiisul Wasaaraha waxaana maanta oo Bisha December 2 tahay Baarlamaanka u Codeyeey in Codka Kalsoonida loo qaado Xukuumada raiisul Wasaare Saacid.

Dood Dheer ka dib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ku dhawaaqey Qaabka ay Codeynta u dhacdey waxaana Baarlamaanka Fidhiyey 250 Xildhibaan waxaana Codeeyey 249 Xildhibaan waxayna ku Biya Shubatey in 184 Xildhibaan ay Codka Kalsoonida kala laabteen Xukuumada Saacid halka 65 Xildhibaan ay ka soo horjeesteen iyadoo Daqiiqadihii ugu Dambeyeey uu Raiisul Wasaaraha uu sheegey in uu soo dhaweynaya waxa ka soo baxa Baarlamaanka

12-kii Nofeembar 2013 ayey ahayd markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu warsaxaafadeed ku soo saaray in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka, khilaafkaas oo uu ku qeexay in uu yahay mid kusalaysan arrimo dastuuri ah, waxana uu yiri “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.” Waxana uu intaas raaciyey in “Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayaa leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.”

Xukuumadahii soo maray Soomaaliya intii ka dambaysay 1991 waxaa ragaadiyey khilaaf u dhaxeeyey madaxda ugu saraysay.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.