Home » Warar »

Dawladda Federaalka Soomaaliaya waxay ka tacsiyaynaysaa khasaarihii dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex

iyo Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay oo ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Sool in ay Nabadda ilaaliyaan.

Warsaxaafadeed DFS:

Muqdishu, November 30, 2013 ……… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.

Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Xafiiska Warbaahinta
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay oo ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Sool in ay Nabadda ilaaliyaan.

Muqdisho, 30 Nofember 2013 – Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoogleh ka qabo dagaalka ka qarxay dhowan Gobolka Waqoori Bari ee Sool.

“Dagaal weligiis laguma xalinin Arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono. Dhamaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khusayso, waa in ay hadda muujiyaan daganaasho, raadiyaana dib-uheshiisiin”, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah ee Kay.

Ergaygga Gaarka ah waxa uu aad ooga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi udiray eheladii dadkii dhowaan lagu dilay meeshaas.

“Arragtida Siyaasadeed ee lagu kala gedisanyahay iyo Arrimaha la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyadda iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Buntland,” ayuu ku yiri Ergaygga.

Mudane Kay iyo Jaalayaasha ka tirsan UNSOM ayaa la wadda xariiray Madaxdda ka jirta Gobolka waxayna ku guubaabiyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna oogu baaqeen in ay gacan ka gaysanayaan Wadda-haddalka iyo dib-uheshiisiinta.

Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.