Home » Warar »

Qoondo gaar ah oo loo sameeyey Hay’adda Xadeynta Badda Soomaaliya iyo Hayado kale

Shirkii Golaha Wasiirada oo Ansaxiyey Miisaaniyadda 2014

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodi caadiga, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Miisaaniyadda sanada 2014, Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Bangiga Dhexe, iyo arrimaha Amniga.

Ugu horayntii Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey guulihii Ciidamada Dowladu ay gaareen maalmihii la soo dhaafay iyagoona gacanta ku dhigay tuulada Buq-koosaar oo u jirta magaalda Baladweyn 50 km. waana meelihii ay ka soo qaadi jireen weerarada gaadmada ah iyo qarxyada ismiidaaminta Xarakadda Al-Shabaab , waxaana Wasiirku Sheegey in firxadkoodii gaaray Degmada Buulbarde.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2014 taas oo gaaraysa 220 Malyan oo Doolar, waxaana Miisaaniyada sanadkaan lagu soo kordhiyey Qoondo loo sameeyey Hay’adaha kala ah: Hay’ada Xadaynta Badda, Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, Jaamacada Umadda, Gudiga Qaxootiga Qaranka, Gudigga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamada Dastuuriga ah oo loogu kordhiyey lacag gaaraysa 1.5 Malyan oo Doolar.

Dhanka kale Golaha ayaa 100% isku raacay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda oo ahayd in si ku Meel Gaar ah loo magaacaabo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo Bashiir Ciise Cali oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed khibrad dheeraad ahna u leh arrimaha Maaliyada kuna soo dhexjiry 50-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiyadii kala duwaan ee Dalka, isagoona la soo shaqeeyey dhamaan Dowaladihii dalka soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Bashiir Ciise inuu yahay shaqsiga ugu mudan oo qaban lahaa shaqadaan culus ee Bangiga, kana rajaynayo inuu wax weyn ka badali doono habka uu u shaqeeyo Bangigu. Isagoona ku tilmaamay inuu yahay nin Khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, mudo aad u faro badan ka soo shaqaynayey Bangiyadii Soomaaliya.

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu qabaa in wax-qabadka Xukuumadda ee sanadkii na dhaafay uu ahaa mid aad u sareeyay, wuxuuna Goluhu soo Bandhigi doonaa faah-faahinta arrintaan la xariirta. Goluhu wuxuu gGudoonka Baarlamaanka ka codsanayaa inay siiyaan fursad ku filan oo ay ku soo bandhigaan waxqabadka sanadkii tagay, waxayna ku kalsoon yihiin inay ku qancin doonan Baarlamaanka wax-qabadkoodii.

Hayadaha loo Sameeyey Qoondada gaarha ayaa Dadka qaar ku tilmaameen kuwa la doonayo in lagu Masuq-Maasuq Lacagaas maadaama ay yihiin Hayado aan waxba ku soo Kordhineyn sidoo kale waxay Bulshada la yaabeen Qoondada loo sameeyey Hayadda Xadeynta Badda iyadoo Shacabka ay ka dheregsan yihin in Badda Soomaaliya ay tahay Bad si Sharci ah u Xadeysan waxayna Bulshadu soo Jeediyeen in loo faahfaahiyo Sababta hada loo leeyahay Badda Soomaaliya loo Xadeeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.