Home » Warar »

Dowladda Kenya oo ku Gacan Seyrtay Codsi Uga yimid Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkeeda

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Kenya ayaa mar uu booqday Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee Dha-dhaab ee Waqooyiga bari ee Dalkaas oo ay ku jiraan Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed .Wasiirka ayaa intii uu booqanayay Xeryahaas ayaa waxaa uu kuur galay Xaaladda halkaa ka jirta iyo sida ay dadka Qaxootiga Soomaalida ah ee halkaa ku sugan ay isugu diyaarinayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen Dalkooda.

Kulamo uu la qaatay Wasiirka Shacabka halkaa ku dhaqan ayay kaga codsadeen in dib loo dhigo dib u celinta muddo Seddax Sana ah taasoo Wasiirkuna uu si cad u diiday Codsigii qaxootiga ay ka codsadeen in loo kaadiyo muddo Seddax Sana ah Wasirka dadkaas la hadlay ayaa sheegay in hore loo gaaray Go’aanka ah in Qaxootiga Soomaalida ay dib ugu laabtaan Dalkooda sidaa darteedna aan go’aankii hore loo gaaray laga noqon doonin.

qax

Arrintan ayaa waxay walaac badan ku abuurtay Qaxootiga Soomaalida oo iyagu horeba uga caga jiiday barnaamijkan dib loogu celinayo Dalkooda.Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Ameeriko kaasoo qiimeyn ku samynayay qaxootiga Nus Malyuunka gaaraya ee ku dhaqan Waqooyiga bari ee Dalka Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii Seddax Geesood ah uu ka dhacay Dalka Kenya kaasoo looga arrinsanayay sidii Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Xeryaha Dha dhaab dib loogu celin lahaa Dalkooda iyadoona la go’aamiyay inaan la qasbin Qaxootiga ee si iskooda ah ay u noqdaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.