Home » Warar »

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo Magaalada Nairobi ka bilaabey Ururinta gargaar la gaarsiinayo Dadka ku waxyeeloobey Dufaanta iyo Fatahaada Webiga

iyo Jaaliyadda Birmingham oo gargaar u fidisay dhibbanayaashii daadakii Puntland. iyo Jaaliyada sweden oo deeq lacageed oo dhan 25.000$ gaarsiisay gudiga gurmadka deegaamaday roobabka iyo dabaylaha iswatay ay waxyeeleeyeen

umalIyadoo dhawaan Gobolo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ka dhaceen Duufaano, Daadad iyo Colaado sababay Bara Kac Cusub ayaa waxaa arrintaa isu taagay sidii ay Gurmad uga gaysan lahaayeen Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Shiikh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Mashaa’ikhda waa weyn ee Soomaaliyeed oo la hadlayay qaybaha Warbaahinta ayaa sheegay in ay bilaabeen Kulamo lacago loogu Ururinayo Dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ka soo gaadhay Roobabkii, Dagaaladii iyo Daadadkii ku dhuftay Gobolada Bari iyo Shabeelaha Dhaxe.

Shiikha ayaa sheegay Kulan ay ku yeesheen Masaajidka Abuubakar Saddiiq ee Xaafadda Islii in ay ka bilaabeen Ururinta Lacagaha ay ugu tala galeen Dadkaas Soomaaliyeed.waxaana kulan kale ay isugu imaan doonaan Dugsiga sare ee Islii halkaasna ay ka sii wadayaan Lacagaha ay u Ururinayaan dadka walaalahooda ah ee ku waxyeeloobay.

Shiikh Umul ayaa ku nuux nuuxsaday in marka Duruufo noocaan ah ay timaaddo inay meesha ka baxdo khilaafkii jiray dadkuna ay u Midoobaan sidii ay isu caawin lahaayeen. Shiikha ayaa ku amaanay Dadka Soomaaliyeed Gurmadka ay wadaan haatan isagoona meesha ka saaray in wax Raashiin ama Maacuun ah ay Ururiyaan maadaama ay ka fogtahay goobta ay wax ka dhaceen.

Ugu dambayntii ayuu Shiikh Umul Raja wanaagsan ka muujiyay sida ay qorsheeyeen Lacago fara badan in ay soo gaari doonaan Maalmaha soo socd,sidoo kale waxaa iyana Gurmad Noocaan ah ka Bilowdeen Wadamada Dadka Soomaaliyeed ay ku sugan kuwaa la sheegey in ay Ururin doonaan Gargaar Baaxad leh.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Jaaliyadda Birmingham oo gargaar u fidisay dhibbanayaashii daadakii Puntland.

Waxaa maalintii shaley magaalada Birmingham ee carriga Ingriiska lagu qabtay shir lagu taageerayo laguna taakulaynayo dadkii ay saameeyeen musiibooyinkii daadadka iyo fatahaada xambaarsanaa ee ku habsaday gobollada Puntland.
Shirkaas oo lagu urururinayay tabarucaad loogu hiillinayo dadkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay hey’adda African Relief Fund taasoo fadhigeedu yahay magaalada Birmingham.

somali99

Kulankaas oo ay si weyn uga muuqdeen gabdhaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham kuwaasoo u muujiyay shacabka Puntland inay la garab taaganyihiin taageero hiil iyo hooba ah.

Mukhtaar Biixi iyo Axmed Xirsi ooka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda ayaa iyagu ka war bixiyay xaaladda ay ku suganyihiin dadkaa tabaaleysan, waxa ayna xuseen sida ay uga go’antahay hey’adda ARF inay dawr lixaad leh ka geysato u gargaaridda walaalahooda ku aafoobay musiibadaas.

Ugudanbeyntii waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Birmingham waxayna dareen qiiro xanbaarsan ku muujiyeen taageeradooda iyagoo goobtii shirku ku dhicay lagu ururiyay dhaqaale lagaarsiinayo dadkii ku wax yeelloobay musiibadaas qaran.

C/Fataax C/Qaadir Cilmi (Shuxle)
Birmingham UK.

Jaaliyada sweden oo deeq lacageed gaarsiisay gudiga gurmadka deegaamaday roobabka iyo dabaylaha iswatay ay waxyeeleeyeen

Jaaliyada Wadanka Sweden ayaa Deeq lacageed oo dhan 25.000$(Kun doolar) Soo gaadhsiisey culimada iyo Maamulka Mu’asada Al-Minhaaj ee aruurinayay deeqaha la gaarsiinayo deegaanadii ay duufaanadu wax yeeleeyeen.

Maamulka mu’asasada al-minhaaj iyo culumada ayaa uga mahad celiyay una duceeyay Jaaliyada Wadanka Sweden ee Lacagtan ay soo direen, waxayna ugu baaqeen walaalaha kale ee muslimiinta ah inay sidaas oo kale khayrka ugu dadaalaan oo ay ugargaaraan walaalahooda tabaalaysan, waxayna sidoo kale u mahad celiyeen dhamaanba walaalha kale ee hore ugu qayb qaatay gurmadka loo fidinayay dadkay dhibaatada roobabka iyo dabaylaha iswatay ay saameeyeen.

Siciid Maxamed Diiriye
smdiiriye@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.