Home » Warar »

Mu’asasada Al-Minhaaj oo ka warbixisay wixii kasoo kordhay aagii ay Dhibaatadu ka dhacday:

Kulan balaaran oo si heesare ah loosoo qaban qaabiyay ayaa waxaa uu ka dhacay Markaska Dacwiga ah ee Al-Rowda Bosaso Kulanka oo ay qabatay Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa waxaa goob joog ka ahaa Culimada ugu Waawayn Puntland.

Kulanka Muhiimadiisa ayaa ahayd sidii Dadwaynaha Warbixin looga siin lahaa meesha ay marayso Musiibadii ku habsatay Qaar kamida Deegaanada Puntland islamarkaana loosoo bandhigi lahaa Dadkii wax la baxay kadib markii ay Culimadu bixiyeen Deeqihii hore ee lasoo gaarsiiyay.

somali95Ugu horayn waxaa Hadalka qaatay Sh.Axmed Daahir Xasan waxaana uu ugu horayn Bulshada kula dardaarmay inay ilaahay ka cabsadaan maadaama Cabsida Alle ay fure u tahay wax walba oo wanaagsan ayna sabab u noqonayso in Dhibaatooyinka uu qofku kaboxo.

Sh.Axmed ayaa waxaa uu ka warbixiyay Xaaladu meesha ay marayso isagoo sheegay inay wax iska badaleen Xaalada markii hore sidii ay kusoo qiyaaseen waxaa uu shiikhu Tusaale ahaan usoo qaatay Dadka Xoolo dhaqatada ahaa ee Xoolohoodu ka baabe een waxaana uu sheegay inuu wararka ku helayo in qofkii 20 Riyo ah lahaa ay haatan u hareen wax yar oo aan naf lahayn inta hartayna ay yihiin kuwo uu Cudur dilooday oo naafo ah , waxaana shiikhu uu u duceeyay dadkii lacagaha la baxay waxaana uu xusay inay Dadku ay aad ula socdaan Xaalada walaalohooda ayna cadayn u tahay Gabar lacag soo dirtay oo sheegtay inay ugu deeqday Walaalkeed Axmed Xassan Ismaaciil oo 6 Caruur ah iyo hooyadood ku waayay Roobabkii iyo Dabaylihii Waqooyi Bariga ee Soomaaliya ku dhuftay.

Intaas kadib waxaa Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise uu xusay Dadkii dibada lacagaha kasoo diray si ay u ogaadaan in wixii ay soo direen ay culumadii gaareen lana gaarsiin doono dadkii ay ugu deeqeen insha alaah.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu Magacaabay Tiro kamid ah Dadkii lacagaha soo diray isagoo sheegay inay jiraan Dadkale oo Lacago soo diray balse aysan wali soo qaadin.

Waxaa kamid ahaa Dadkii wax soo diray Jaaliyado Soomaaliyeed oo Qurbaha kunool iyo Shakhsiyaat waxaana Jaaliyadaha kamid ahaa :-

1.Jaaliyada Copenhagen Denmark waxayna soo direen $28,090

2.Jaaliyada Johanspeg South Africa waxayna soo direen $23,812

Sidoo kale waxaa jiray Dadwayne iyaguna si shakhsiyan ah usoo diray waxaan kamid ahaa :-

  • 1.Daahir Axmed Cabdi
  • 2.Mahad Faarax Shirwac
  • 3.Xaliimo Muuse Yuusuf
  • 4.Asli Muuse Warsame
  • 5.Sacdiyo Axmed Abuukar

Ugu danbayntii Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa waxaa uu u duceeyay Dhamaan Dadkii wax la baxay waxaana uu alle uga baryay inuu ka ajar siiyo.

Deeq Raashin oo Xawaaladda Hodan Global Online ay ku wareejisay maamulka mu’asada alminhaaj

Waxaa maanta Xawaaladda Hodan Global Online ay deeq ku wareejisay culimada iyo maamulka mu’asada alminhaaj, .

Deeqdan ay wareejisay Xawaaladda Hodan ayaa waxa wareejiyay Maamuulaha guud ee Xawaaladda Hodan Global Maxamuud Sheekh Cismaaciil isagoo ku wareejiyay gudoomiyaha guud iyo culimada al-minhaaj

Gudoomiyha xawaaalada ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talagaleen dadkii ku waxyeeloobay duufaanta isla markaana ay ka kooban tahay190 kiish oo isugu jirta bur iyo bariis.

somali96

Waxa uu intaasi ku daray mamulaha Hodan Global in mar walba ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan tabarucaada walba oo loo fidinayo dadka dhibaataysan.

Sheekh Axmad daahir oo ka mid ah guddiga gurmadka ee culimada ayaa sheegay in ay ka gudoomeen deeq raashiin ah ay Xawaaaladda Hodan ugu talagashay in la gaarsiiyo dadkii ku waxyeeloobay roobabkii iyo duufaantii ,isagoona u mahad celiay sida wanaagsn ay ugu soo gurmatay dadka dhibaataysan.

sawiradii ugu dambeeyay gurmadkii ay hogaaminaysay mu’asasada alminhaaj

somali97

Gawaari deeq gargaar ah wada oo galainkii dambe ee maantay ka amba baxay magaalada boosaaso

Waxaa maantay galinkii danbe magaalada Bosaso ka amba baxay gawaari waday deeq loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii ka dhacday deegaanada Puntland qeybo ka mid ah.

Gawaarida maanta ka amba baxday magaalada boosaaso ayaa gaaraysay ilaa afar gaari oo ah noocyada waaweyn ee xamuulka qaada.
Gawaaridan ayaa siday raashiin isugu jiray bur,bariis,sonkor,timir,kalluun,caano,buskut,dhar,buste , xasiigyo iyo bacaha roobka laga galo .

Deeqdaan oo ah deeqdii ugu horeysay ee ka baxda magaalada Bosaso oo ku wajahan gobolada Nugaal iyo Karkaar inta u dhexeysa, ayaa qeyb ka ah barnaamij dadka loogu wacyi galinayay sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda dhibaataysan ee ka socday masjidka Al-Rowda ee magaalada Bosaso, A.

Gawaaridan oo inta aysan ka bixin magaalada ayaa waxaa saxaafadda u soo bandhigay Qaar kamid ah maamulka mu,asada AL-Minhaaj iyo culmaa’udiinkii ka kala qayb qaatay aruurinta tabarucaada.

Sheekh Faarax Cajab oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay deeqdan inay ugu tala galeen shacabka reer Puntland,gaar ahaan reer Bosaso dadkii ku waxyeeloobay masiibadii ku habsatay qeybo ka mid ah Puntland

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay sheekh Daahir Aw-Cabdi oo sheegay in loo baahan yahay in loo gar-gaaro walaalaha ku dhibaataysan goobihii ka dhacday dhuufaanta,waxa uuna intaasi ku daray deeqdaan inteeda badan in ay bixiyeen shacabka reer Bosaso Allana ay uga baryayaan in uu siiyo cimri dheer iyo dambi dhaaf

Waxaa isna ka hadlay madasha sheekh Axmad Daahir Xasan oo sheegay in galabta ay u taagan yihiin in dadkii ku waxyeeloobay dhuufaantii iyo roobabkii mahiigaanka ahaa in aan gaarsiino afartaan gaari deeqda saaran,waxaana shacabka Soomaaliyeed ee kale looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan caawinaada walaalahooda dhibaataysan.

Sidoo kale Barnaamijka Gurmad ee ka socday Masaajidka wayn ee Al-Rowda ayaa caawa galay habeenkiisii sadexaad iyadoo Dadwaynuhu aysan u kala harin ka qayb qaadashada Gurmadkaasi Rag Dumar Dhalinyaro iyo Duqayb Shirkado iyo Shakhsiyaad Wadaad iyo Waranle Shaqaale iyo Xamaali intaba.

Culimada ayaa waxaa ay Bulshada ku booriyeen inay Sadaqada labaxaan maadama laga helayo Khayraad fara badan ayna muhiim tahay in Walaaluhu ay wax is taraan marka ay dhibaatadu timaado. Dadwaynaha qaar kood oo lasoo xiriiray Culimada ayaa waxaa ay sheeganayeen Baahiyo ay qabaan islamarkaana ay rabaan in Bulshada walaalohooda iyo Culimaduba ay u ducayso si baahidoodu ay dabool mato.

Siciid Maxamed Diiriye
smdiiriye@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.