Home » Warar »

Madaxweyne Xasan “Soomaaliya wey saxiixi doontaa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta”

Soomaaliya iyo Maraykanka oo aan weli dhaqan gelin Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta

khariidad95Waxay ahayd 20-kii November 1989 markii ay Qaramada Midoobay laga bilaabay dhaqan gelinta iyo saxiixa Heshiiska loo yaqaan “Convention on the Rights of the Child” ee xuquuqda carruurta. Ilaa hadda dalalkii xilligaas jirey waxaan heshiiskaas ka dhaqan gelin waa Soomaaliya iyo Maraykanka.

Sannadkii 1995 xilligii Madaxweyne Clinton ayaa MAraykanku saxiixay heshiiskaas xuquuqda carruurta laakiin ilaa hadda Maraykanku ma dhaqan gelin heshiiskaas. Sidoo kale Sannadkii 2002 ayaa dawladii Kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ay saxiixaday heshiiskaas, waxaana 2009 ay golahii wasiirada Soomaaliya ay yiraahdeen in la dhaqan gelinayo, laakiin ilaa hadda lagaam dhaqan gelin Baarlamaanka Soomaaliya.

20 November 2013 ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya waxaa lagu qeexay in Madaxweynaha DFS yiri “Soomaaliya wey saxiixi doontaa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta”.

Warsaxaafadeedkii oo dhan hoos ka akhri.

Madaxweyne Xasan “Soomaaliya wey saxiixi doontaa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta”

Mogadishu, 20 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Iskuulka Xamar Jab-Jab oo uu sheegey in Soomaaliya ay saxiixi doonto Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta, iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Xaquuqda Carruurta Adduunka oo aheyd 20kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka. Soomaaliya, South Sudan iyo Mareykanka ayaan weli saxiixin heshiiskaas Caalamiga ah.

Madaxweynaha oo Iskuulka Xamar Jab-Jab kula hadlay warbaahinta ayaa u yiri “Waxbarashadu waa iftiinka nolosha oo la’aanteed aan suurtogal aheyn. Maanta waa maalinta Carruurta Caalamiga ah, waana inaan ku wada dadaalnaa sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayee xaquuqdooda aasaasiga ah, sida waxbarasho lacag la’aan ah. Booqashadan maanta waxey ka tarjumeysaa ahmiyadda ay dowladdu siineyso waxbarashada iyo dhaqangelinta tiigsiga dowladda ee ah in hal milyan oo carruur ah ay aadaan Iskuulada oo ay helaan waxbarasho tayeysan.”

aa_iskuul5

Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxbarashadu waa raasamaal aan weligaa ka go’eynin oo qof kale uusan kaa qaadan Karin, oo adduun iyo aakhiraba ku anfacaya ee waa in ardayda Soomaaliyeed ay ku dadaalaan waxbarashadooda, si waddanka uu u helo hoggaamiyeyaal aqoon leh. Carruurtana waa hoggaamiyeyaashii berri oo qaarkiin aad noqon doontaan Taliye Ciidan, Agaasime, Wasiir ama Madaxweyne. Sidaas daraadeed, carruurtu waa inay ku dadaalaan waxbarashadooda. Waqtigeyga intiisa badan waxaan ahaa arday, macallin ama Guddoomiye Jaamicad oo waxbarashada aad baan u jeclahay.

Madaxweynaha oo baaq u diray Soomaalida ayaa yiri “Waa in dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, qurbo joogta iyo waalidiinta ay ku dadaalaan sidii carruurta Soomaaliyeed ay waxbarasho u heli lahaayeen.”

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.