Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo Sheegatay Qaraxii Maanta ka Dhacay Magaaladda Beled Weyne.

Sida ay qoreen Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegaya in iyagu ay ka dambeeyeen Weerarkii Ismiidaamineed ee maanta Barqadii ka dhacay Saldhigga Boliiska Magaalada Beled Weyne.

somali93Sarkaalka oo aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in halkaas ay ku weerareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuutiyaanka ee qaybta ka ah hawl galka Amisom iyo Ciidamo halkaa joogay isla markaana ay ku laayeen Qaraxaas Saraakiil iyo Askar fara badan oo Ciidamada Dawladda iyo kuwa Jabuutiyaanka isugu jira

Sarkaalkaan ayaa intaa ku daray in Maxaabiis fara badan oo halkaa ku xir xirneyd Xabsiga ka sii daayeen isla markaana si bad qab ah ay halkaa uga baxeen ka gadaal markii in mudda ah ay Saldhigga haysteen.

Warar oo laga xigtay Ciidamada dawladda ayaa sheegaya in Raggii weerarka soo qaaday Afar ka mid ah isla saldhigga gudihiisa lagu dilay halka midna Nolosha lagu qabtay.
Warar is khilaafsan ee dhinaca Tirada dhimashada ayaa soo baxaya iyadoo warar goor hore soo baxay ay sheegeen in tirada himashada ay kor u dhaafayso illaa labaatan halka dhaawcuna uu gaarayo Soddomeeyo.

Si Kastaba ma jiraan Warar ka madaxbanaan labada dhinac ee Maamulka Gobolka iyo Xarakada Shabaab iyadoo dhinaca is gaarsiintuna ay tahay mid ka maqan hawada sidaas darteedna ay adag\
tahay si loo helo xog dhab ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay ciyaarta Horyaalka Jenyo iyo Elman

Mogadishu, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa uu ka qeybgalay cayaarta kubadda cagta ee Horyaalka heerka Koowaad (Seria A).

Booqashadan oo taarikhi ah ayaa ka dhacday garoonka stadiyo Koonis ama Banadir Stadium. Madaxweynaha ayaa wuxuu daawaday cayaar u dhaxeysay kooxaha Elman iyo Jeenyo. Madaxweynaha ayaa gacan qaaday cayaartoyda labada dhinac iyo garsoorayaasha, isla markaasna kubbadda laaday.

somali94

“Waan idiin salaamay dhaamaan cayaartoydiina waxaad maanta marqaati ka tihiin horumarka ay Soomaaliya dhawaanahan gaartay.” Labo sano ka hor garoonkan wuxuu saldhig u ahaa Al-Shabaab ayaga oo kasoo abaabuli jiray falalka argagixiso. Maanta waxaa farxad noo ah in garoonka uu kusoo noqday gacmihii iska lahaa una suurta geliyay in dhalinta Soomaaliyeed ay ku cayaaraan cayaarta loogu jecel yahay caalamka oo ah kubadda cagta.

Isboortiga iyo cayaaraha ayaa qeyb ka ah nabadda, horumarka iyo is dhex galka bulshadda. Waxaad hormuud u tihiin Soomaaliyadda cusub” saa waxaa yiri Madaxweynaha” Waxaan idinku sacbinayaa geesinimaddiina iyo howlkarnimadiina. Ummadeena waxey jecel yihiin Kubbadda cagta sida umadaha kale ee caalamka. Waana guul noo soo hoyatay dhamaanteen. Waana ku mahad santihiin in aad ka shaqeyseen arinkan in uu dhaco.

Madaxeynaha ayaa wuxuu ku booriyay Xiiriika Kubadda cagta Soomaaliyeed iyo FIFA, wada shaqeynta ay ka shaqeeyeen dib usoo nooleynta kubadda cagta Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan ka qeyb gali doono ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika u rajeeyey guul taasoo ah guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

– Dhamaad –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia
yarrisow@presidency.gov.so, +252615479911

Dowladda Kuweyt oo Seddax Malyan oo Doolarka Maraykanka Ugu Deeqday Somaliya.

iyadoo maanta Magaalada Kuweyt Caasimadda Dalka Kuweyt uu ka furmayo Shirka Wadamada Carabta iyo Afrika ayaa Amiirka.dalkaasi waxa uu ugu deeqay Soomaaliya Lacag gaaraysa illaa Seddax Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Amiirka oo kulamo hor dhac ah la qaatay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa uu ka dhagaystay warbixino ku aadan Xaaladaha Soomaaliya gaar ahaana Dabaylihii hawaanta ku dhuftay Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa ay Amiirka u sharxday dhibaatooyinka ay gaysteen Roobabkii iyo Dabaylihii hawaanta ku dhuftay Degaanada Puntland halkaasoo Musiibo xooggani ay ka dhacday.

Deeqdan oo bixiyay Amiirka Dalka Kuweyt ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Bisha Cas ee Kuweyt taasoo iyaduna sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiin doonta degaanada Puntland.Shirkan manta ka dhacay Magaalada Kuweyt citty ayaa waxaa ka qayb galaya illaa Lixdan Hoggaamiye oo ka socda Dalalka Afrika iyo Carabta iyadoona shirkan uu yahay kii Sedaxaad ee la qabto.

Wasiiradda Arrimha Dibada Fowsiyo ayaa goor sii horeysey waxay la kulnatey Xoghayaha Jaamacadda Caraba Nabiiil waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sdii Taageero buuxda Jaamacadda Carabta u siin lahayd dadka Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Colaadaha iyo Abaaraha

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa shirkaa u matalaya oo ka qayb galaya Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo wafddi uu hoggaaminayo oo habeenkii xalay ahaa soo gaaray Magaalada Kuweyt.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.