Idiris Xasan Faarax “Qofka waxaa shaqada looga joojin karaa Dhowr arrimood”
Iyadoo uu weli taagan yahay Is mari waaga u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federraalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Saacid ka dib markii uu Madaxweynaha uu ka dalbadey Raiisul Wasaaraha ka dalbadey in Is casilo taasoo ay u dhadhamiweysey Raiisul Wasaare sheegeyna in uusan iscasil Doonin , waxaana uu soo jeediyey in isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala bixi doonaan Dastuurka.
Waxaa Socda waan waan la doonayo in lagu Qabaajiyo Xiisada u dhaxeysa Madaxeynaha iyo Raiisul Wasaaraha waxaana isku Daygii ugu Dambeeyey ku guda jirey Hayadda Culimada Soomaaliyeed hase yeeshee isku Daygaas ayaa la sheegey in uu is Afgaranwaa ku Dhamaadey , sidoo kale Xildhibaano iyana isku dayey in kala dhex galaan Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ayaa la sheegey in lagu Guuldareystey.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaab ku noqtey markii ay maqleen in uu Khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha mar aan raacey gawaarida dadweynaha ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayey Khilaafka Labada Masuul mid ka mid ahaa ayaa soo boodey oo yiri “Waxaa Dhab in kooxaha is haysta ay yihiin kuwa Milkiilayaal ah oo Dowladnimadii isa siiyey iyo kuwa Shaqaale ah marka inta Ummadda Soomaaliyeed loo Madaxbaaneynayo Kurisga weligeen ka bixi maymo is haysigaan”
nin kale oo Odey ah ayaa isna qaatey hadalkii waxaa uu yiri “Dib u raaca Dowladihii na soo marey markasta waxaa Hagaanka qabanayey kooxo Shirko ah oo lacago badan ku bixiyey in la doorto marka waxaan dadka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay iska sugaan inta Doorasho Madaxbanaan ka Imaaneyso taasoo la helina wadankaa Khilaaf kama dhamaanayo”
sidoo kale Siyaasiga Idiris Xasan faaraxa ayaa isagoo ka hadlaya Khilaafka labada Masuul waxaa uu yiri “Waxaa mucjiso ah in nin Madaxwayne sheeganaayo uu Raiisul Wasaarihiisii ku yiraahdo iscasil!!! runtii arinkaan waa arin la yaab leh wuxuuna ka dhacaa Soomaalida dhexdeeda oo kali ah ee ma ahan arin aduunka kale laga yaqaano!! qofka waxaa shaqada looga joojin karaa dhawr arimood sida inuu ku dhaco fal dambiyeed noocuu doonaayo ha ahaadee. inuu Xanuunsado sidaana hawshiisii ku gudan waayo. Inuu isku darsado Maamul xumo iyo karti xumo! intaas oo arimood hadii mid ka mid ah haleeshay ma ahan shaqo u taalo Xasan Shiikh !! ee waxaa ku lug leh Baarlamaanka qaybtiisa daba galka Dawlada!!! iyo Hay ada Garsoorka waxaa taa kasii daran hadii uu dhaliil yeesho Saacid ma ahan ninkii ku qabsan lahaa ee waa ninkii dhoo-dhoobi lahaa maxaa yeelay isagaa doortay oo khalad uu galaa saacad waa midXasan Shiikh ku soo laaban karto!!
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.