Home » Warar »

Madaxweynaha oo ku baaqay Joojinta dagaalada Jowhar iyo Ra’iisul wasaaraha oo qoraal ka soo saaray Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland

War-saxaafadeed

Shirkii Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Saacid:”Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland Waxaan U Aqoon sanahay Masiibo Qaran, Deg Degna Waan Uga Jawabaynaa”

Muqdisho,12, Nov,2013…Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano balaaran oo ku yaala Puntland taas oo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dufantaan ka dhacaday xeebaha Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaaraya ilaa 700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaartay deegaamo ku yaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso.

Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku  yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto.

somali74Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.

“Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku

Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka dhalatay Dufaantas.

Baaqa Golaha

1.      In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka  reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.

2.      In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.

3.      In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.

4.      In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa  $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.

5.      Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha
  • Wasiirka Maaliyadda
  • Wasiirka Adeega Bulshada
  • Wasiirka Gaashaandhiga
  • Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho
  • Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed
  • Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah

Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah masiibada ka dhacaday Puntland.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogadisho-Somalia

Media@opm.gov.so

….
Madaxweynaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada iyo collaadaha Jowhar

Muqdisho, 12 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

somali73Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyey guryahoodii.

“Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu “Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka. – DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, media@presidency.gov.so, +252615479911

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.