Home » Maqaallo »

Qamaarka Siyaasadeed ee ka jira Villa Somaaliya !!

Markii la doortey Dowladda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Sannad ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo si aad u soo dhaweeyey Dowladaas, iyagoo Rajo Wanaagsan ka muujiyey in Isbedel weyn oo Siyaasadeed uu Dhici doono gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya mar haddii Hogaankii Dalka loo dhiibey qof si aad ah ugu soo dhex jirey mudadii Laabtanka Sanadood ahayd wixii ka dhacay Soomaaliya islamarkaana wax badan ka og Dhibaatada Soomaaliya ,hase yeeshee Bulshada Soomaaliyeed waxay Niyad jab ka muujiyeen markii ay soo muuqan waayeen waxa Isbedel oo la taaban karo ha noqoto Arrimaha Siyaasadda , Nabadgelyada , iyo Dhaqaalaha, iyadoo Dadka qaar ay leeyihiin in Xaalada Soomaaliya ay ku sii dhaceyso God Haadaan ah oo aad u dheer .

Soomaalidu waxay Tiraahdaa Fuley Xantiisa ma Mooga , waxaana Murtidaan u soo qaatey in Dowladda aysan moogeyn Xanta Dadweynaha oo qaar ka mid ah dadkaasi ay sheegayeen in Dowladaan ay ahayd mid si aad loogu hamuun qabey mar ka fiiriyo arrimo fara badan oo dadka ay ka sugayeen Dowladda in aysan wax ka qaban, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadan waxaa jira arrimo Daahsan oo ku Aadan Siyaasadda Soomaaliya ,waxayna qaar ka mid Bulshada ay sheegayaan in maanta is qabqabsiga Siyaasadeed ee Dowlada ka dhex jira min Dowladda , Xukuumada iyo Baarlamaanka , waxaana socda Olole Siyaasadeed oo Qar iska Tuurnimo ah oo aan la Ogeyn halka uu ku Dambeyn doonto , waxayna dadka u Dhuun Daloola Siyaasada ay leeyihin in uu jiro Khilaafyo Siyaasadeed oo keeni kara in Gebi ahaanba Burburta Dowladda

Rag Siyaasayiin ah oo doonaya in ka Faa’iidaan Qamaarkaas Siyaasadeed ayaa haatan ka dhex Muuqda Qamaarkaas Siyaasadeed ee aan weli soo shaacbixin hase yeeshee si aad ah looga dareemayo Xarunta Madaxtooyada waxayna Siyaasiyiin ay noo sheegeen in Heshiis hoose uu Dhex marey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mid ah Aasaa-Sayaashii Dowlada maanta Jirta oo lagu Magacaabo Faarax Cabduqaadir ahna Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,waxaana uu hesiiskaas uu dhigayaa in Shariif Xasan uu ka shaqeeyo Mooshin ka dhan Wasiirka Koowaad oo ay Wadaan Garab ka mid ah Damo Jadiid oo uu Hogaaminayo Faarax Cabduqaadir, Sidoo kale waxaa Kulan qarsoodi ah wada yeeshey Faarax Cabduqaadir iyo Shariif Xasan waxaana Kulanakaas la isku Afgartey in si wadajir looga shaqeeyo in marka la rido Wasiirka Koowaad ka dibna la rido Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu heshiiyey in Faarax Cabduqaadir uu hal Milyan oo Doolar uu siiyo Shariif Xasan si ay ugu suurta gasho Qorshahaas Fulintiisa , iyadoo Lacagtaas loogu talagaley in lagu Furdaamiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Qorshaha Qamaarka Soyaasadeed ee Socda ayaa Siyaasiyiinta u Dhuun Daloola arrimaha Siyaasadda ay leeyihiin in Ridista Raiisul Wasaare Saacid ay Damo-Jadiid ku kala Qayb sameen iyadoo kooxda Faarax Cabduqaadir ee wata Qorshahaan ay doonayaan in Fashilka Siyaasadeed ee haatan haysta Dowladda Xasan Shiikh Dhamaan Duudka ama Dhabarka loo saaro Raiisul Wasaare Saacid ,waxaana sidoo kale Qorshahaan ay wataan Damo Jadiid Garabka Faarax Cabduqaadir uu yahay in la keeno Rasiiul Wasaare Daacad u ah Damo Jadiid , waxaana la sku Afgartey Raiisul Wasaaraha laga Dhigo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , waxaana Qorshaha Faarax Cabduqaadir la Dhacsan oo ku taageersan wasiirka Arrimha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed , hase yeeshee Koox kale oo uu Hagaanka uu u haye Maxamed Nuur Gacal oo ah Wasiiro Dowlaha Arimaha Dibada ayaa qaba in aysan habooneyn in la Xiligaan la rido wasiirka Koowaad isagoo sheegey in aysan ku jiran Danta ummada Soomaaliyeed iyo mida Dastuurka ,waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Isku Shaandheyn kooban oo dhinaca. .

Kooxda uu Horkacayo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxay leeyhiin in Dalka uu ku jiro Xaalad adag Dhinaca Nabadgelyada , Dhaqaalaha iyo Siyaasadda marka waxay soo jeediyeen in aan la taaba taaban arrimaha qaar maadaama Waji Gabax lagala Kulmey in Iscasilaadii Gudoomiyaha Banki-ga Dhexe ka dib markii rag la Hayb Madaxweynaha ay hanjabaad iyo caga Jugleyn u Gudbiyeen Yusur Abaraa sida hore ugu Sheegtey Warbaahinta , waxayna Iscasilaadaas keentey in Wadamadii Lacagaha ugu Deeqey Soomaaliya ay diideen in ay wax lacag ah ku Shubaan Bangigga Dhexe Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Garabka Farah Cabdulqaadir ee Damul-Jadiid ay ilaa & hada ku adkaysanayaan in xilka laga qaado Raiisul Wasaare Saacid waxaana dadka Siyaasada Odorasa sheegayan in arrinkaas uu keen karo isku dhac Siyaasadeed oo dhex Mara Raiisul Wasaare Saacid & Hassan Shiikh sidoo kale ay keeni karta in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo Dagaalka Siyaasadeed ee taagan balse u keeni karto in uu Saameyn ku yeesho islamarkaana Khilaafkaas uu Daba dheeraado oo Xal laga gaari waayo Arrimaha Soomaaliya Rajadii ay dadka qabeen ay meesha ka baxdo

Xaaladahaas taagan oo ay ugu horeysa Beesha Caalamka oo si aad ah uga walwasan Iscasilaadii Gudoomiyha Banki-ga Dhexe Yusur Abraar iyo Qamaarka Siyaasdadeed ee ka jira Xarunta Madaxtooyada iyo Talooyin ay u soo jeediyeen Ganacsato iyo Siyaasiyiin fara badan Madaxweynaha Soomaaliya oo laga Dhega Fureystey,Dadka Idha Indheeya ama Odoroso Siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin waxay arrintaas soo dedejineysa in Beesha Caalamka uu Dejyo Road Map-Cusub si loo soo Hormariyo Doorashada Madaxweynaha , Hadaba la rkii doonee halka uu ku dambeyn doono Qamaarka Siyaasadeed ee ay wataan Faarax Cabdiqaadir iyo Shariif Xasan sidoo kale iyana waa la arki doonaan waxa ay Beesha Caalamka ka bedeleen Siyaasadda isku Milqan ee Soomaaliya

W/D Cali Farxaan Muuse
E-Mail nafaqo2015@hotmail.com
Muqdisho-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.