Home » Warar »

Madaxweynaha Somalia “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan Horumarka”

jyo Raiisul Wasaaraha DFS oo yiri “Amaanka wuxuu noo leeyahay mudnaanta koobaad, Caafimaadka iyo Waxbarashaduna waxay noogu jiraan kaalinta labaad”…

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii qaraxa ee caawa kooxaha nabad-diidka ay ka geysteen Hotel Maka-Al-Mukurama oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha ayaa yiri “Si kulul baan u cambaareyneynaa falkan waxashnimada ah ee kooxaha argagaxisada Al-Shabaab ay ka fuliyeen wadada Maka Al Mukurama oo ay dad Alan waxaa gala scan ay qaarna ku dileen, kuwana ku dhaawaceen. Ujeedadoodu waa shacabka geliya argagax oo yeysan Horumarka socda sii wadin. Laakin, waxaan si cod sheer ah ugu sheegeynaa nagama hor-istaagi kartaan Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga aan ku tallaabsanay, waana ku sii dhiiraneynaa Isla markaana aan sii labo jibaareynaa dadaalka Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga.”

Madaxweynaha oo tacsi u diary shacabka ayaa yiri ” Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku dhimatay Falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay. Sidoo kale dhammaan inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan siiyaan hay’adaha Amniga si loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxahan nabad- diidka ah.
– DHAMAAD –

08 November 2013

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia
Yarisow@presidency.gov.so

Raiisul Wasaare Saacid: “Amaanka wuxuu noo leeyahay mudnaanta koobaad, Caafimaadka iyo Waxbarashaduna waxay noogu jiraan kaalinta labaad”

somali64Muqdisho, November 7, 2013…….Raiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo ku saabsan caafimaadka dalka Soomaaliya, Shirkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa , ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wakiillo ka kala socday gobolada dalka, xirfadleyada caafimaadka Soomaaliya, wakiilada haydaha qaramada midoobey iyo marti sharaf kale.

Shirkan oo saddex maalmood soconaya ayaa looga arrinsanayaa midaynta arragtida xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliya, si caafimaadku uga qaybqaato dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Xirfadlayaal caafimaad oo gaaraya 270 qof iyo ergo ka timid gudaha iyo dibadda dalka oo gaaraysa 400 qof ayaa la filaya in muddada saddexda maalmood ah ay ku soo saaraan talooyin ku aadan dib-u-habaynta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta adeegga bulshada marwo Drs Maryam qaasim Axmed ayaa sheegtay in caafimaadka iyo waxbarashada Soomaaliya aanay ahayn arrimo la siyaasadayn karo, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada Soomaalidu ay ka wada shaqeeyaan, islamarkaana ay shirkan ay goobjoog ka yihiin xubno ka kala socda dhammaan gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ku ammaantay hoggaamintiisa suuragelisay hirgelinta isbeddelada iyo shirarka laga qabtay dalka.

“ Markii aan xafiiska imi waxaan la dagaalanay dhaqankii xumaa ee muddadii 20-ka sano ahayd lagula dhaqmayey dalka Soomaaliya ee ka horjeeday dowladnimadeena, waxaan la fariistay hay’adaha beesha caalamka, waxanuna samaynay isla-xisaabtan. Inkastoo ay jiraan caqabado, hadana, waxaan muujinnay geesinimo, waxaana aragtidayadu tahay in qoys kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeeg caafimaad oo ku filan” sidaasi ayery tiri Drs Maryam Qaasim Axmed
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Mudanme Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo hadal ka jeediyey shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii afraad ee heer qaran ah ee xukuumaddiisu qabato, waxana uu xusay in marka laga tago muhiimadda kowaad ee xilligan xaadirka ah uu ammaanka qaranka u leeyahay , in caafimaadka iyo waxbarashadu ay ugu jiraan kaalinta labaad”

“ Waxaan qabanay afar shir oo hore oo heer qaran ah , ujeedada aan u qabanayno shirarkan waxa weeye talada dalka waxaa nala wadaaga ummaadda Soomaaliyeed, annaguna waxaan nahay adeegayaashii dalka.Marka laga tago ammaanka xukuumaddaydu waxay muhiimad siisay adeegga bulshada, waxana dhowaan samayn doonaa in caafimaadka iyo waxbarashadu ay noqdaan wasaarado madaxbanaan” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tilmaamay in xirfadlayaasha caafimaadka Somaaliyeed ay kaalin weyn uga banana tahay dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoo balan qaaday in xukuumaddiisu ay si dhab ah u qaadanayso talooyinka shirka.

Shirkan oo ay soo agaasintay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ayaa ku soo beegmaya iyadoo isbeddelo horumarineed laga sameeyey dhinacyada siyaasadda,ammaanka iyo adeega bulshada Soomaaliya, islamarkaasina lagu jiro waqti dalku hiigsanayo horumar dhinacyo badan taabanaya.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.