Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, soona dhoweeyey natiijada shirka dib u heshiisiinta ee Jubba

Muqdisho, November 7, 2013—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana looga sugida amniga iyo natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka.

Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin Xuseen Guleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, waxayna ka warbixiyeen xaaladda amniga dalka.

Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay howlgalo ay todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale howlgalo si gaar ah loogu baacsanayay kooxo xiran dareyska ciidanka oo jidgooyo u dhigta gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamo gaar ah oo loogu talgalay la dagaalanka kooxahaasi burcadda ah ay gacanta ku soo dhigeen tiro kooxahaasi ka tirsan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku soo qabqabteen kooxo ka tirsan nabadiidka oo ku howlanaa falal lagu waxyeeleynayo amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa si buuxda u soo dhoweeyey go’aanada iyo gebi ahaanba natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka, waxayna xuseen in shirkani uu noqon doono mid horseeda nabad ku wada noolaanshiyaha dadka Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa golaha Wasiirada ka dalbaday in wasaaraddaha dawladda ay ka shaqeeyaan sidii loo gaarsiin lahaa degaanadaasi Jubba adeegyada dadweynaha iyo mashaariicda horumarineed, maadaama degaanadaasi ay ka jiraan baahi dhanka horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.
—Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.