Home » Warar »

Kulan Xasaasi ah oo ay Isugu yimaadeen Guddiga Golaha Siyaasada Qoowmiyadda Beelaha Benaadiriga.

Kulankani ayaa ahaa mid ay isugu yimadeen Gollaha Siyaasada Qoowmiyadda Beelaha Benaadiriga, iyadoona looga hadlayay xaaladaha uu haatan marayo dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gollaha Siyaasada Qoowmiyadda Benaadiriga DR. MUKHTAAR SH. SHUUTE, oo ah wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada KMG ahayd ee Soomaaliya.

Golahaani oo ah Golle ay horey u ansixiyeen Odayaasha Dhaqanka Qoowmiyadda Benaadiriga, ayaa kulankoodii maanta ku sheegay inay soo dhoweynayaan isbadala Muuqda ee ka dhacay Gudaha dalka, iyagoona ka dalbaday dowlada Soomaaliya in waxii xubno ah oo ay Qoomiyaddani ku yeelanayso Hay’addaha Dowlada loo soo maro Nidaam ay isku waafaqsan yihiin Hogaanka Siyaasadda Qoomiyadda Benaadir.

somali55 somali54

Guddiga Gollaha Siyaasadda Qoowmiyadda Benaadiriga ayaa sidoo kale ku Eedeyay Dowlada Soomaaliya in Qoowmiyadda aysan ka qeyb gelinin shirka looga hadlayo arimaha Jubbooyinka ee ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Gollaha Siyaasadda Benaadiriga ayaa shirkooda ka soo saaray Qodobo dhowr ah oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Gollaha Qoowmiyadda Benaadiriga Mudane Maxamed Cabdicasiis Sh. Xusseen Abraar.

Qodobo:

1. Guddiga Gollaha Siyaasadda Qoowmiyadda Benaadiriga waxaa ay tagersan yihiin isbadala ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

2. In Qoowmiyadda Benaadiriga helaan Hogaanka siyaasadeed ee ay dalka Soomaaliya ku leeyihiin.

3. In aan la magacaabi Karin Xubnaha Beeshani u matalaya Gollayaasha Dowlada iyadoo aan wada tashi lala sameynin Guddiga Gollaha Siyaasadda Qoomiyadda Benaadiriga iyo Odayaasha Dhaqanka .

4. In Nidaamka jira ee Federalism-ka ah lagu tixgeliyo Qoowmiyaddaani lana siiyo kaalinta ay leeyihiin

5. In Dowlada Soomaaliya Tixgeliso go’aanada ay sida Wadajir ah u soo saaraan Guddiga Gollaha Siyaasada Qoowmiyadda Benaadiriga.

6. In xalka laga hormariyo xaqqa uu Muwaadinku leeyahay

7. Golluhu waxaa uu soo dhoweynayaa Go’aankii Gollaha Wasiirada ee ahaa in qaabkii awood qeybsiga Dalka laga dhiqo 5 ( Shan), halkii horey loo dhihi jiray $4.5 ama FOUR POINT FIVE.

somali53 somali52

Waxaa ku saxiixan: Guddoomiyaha Guddiga Gollaha Siyaasadda Qoowmiyadda reer Benaadir: Mudane: Mukhtaar Sheikh Shuute

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinklhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulan Xasaasi ah oo ay Isugu yimaadeen Guddiga Golaha Siyaasada Qoowmiyadda Beelaha Benaadiriga. "

  1. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Waa koox iskooda iska shiray qol yar 4×4 ah, mana jiro cid ay matalaan, sidaa darteed, beelweynta BANAADIRIGA waxaa mas’uul ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, inta ay Dowladda ka soo hagaajineyso wixii ku saabsan Maamulwanaaga ee uu dalka yeelanayo, isla markaana aanu u deynay Dowladda ay iyada u soo magacawdo qofkii sharuudaha ay dooneyso buuxiya oo ay u garato, aana qofna looga dhiibi, maadaama ay jiraan dad ayaga maanta sheeganaya waxay doonaan oo aan Caddaalad sameyn karin, aheyna dad ayaga ka go’da talada dadka BANAADIRIGA.
    Haddaba, dadka horboodaya waxyaabaha noocan oo kale waan in ay Alle ka cabsadaan ee ay iska daayaan Darajo ku raadsida noocan oo kale, maadaama Beesha Banaadiriga ay arrimahooda yahay mid xasaasi ah, loona baahan yahay tixgelin la siiyo dadka ayaga tallada ka go’do ee looma baahna in uu qof kastaba iska sheegto Mansab iyo Maqaam uusan xaq u lahayn, waxaan filayaa in dadkan ay ka waantoobaan howlaha noocan oo kale.

    Wabillaahi Towfiiq