Home » Warar »

Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda.

“Waxaan dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Bulshada Caalamkaba ugu baaqayaa in si banii’aadamnimo ku jirto loogu gurmado shacbiga ku wax-yeeloobay fatahaada webigga Shabeelle ee magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda wax-yeeleeyay,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu kadib markii lagu war-galiyay saameynta fetehaadaha webi Shabeelle ee deegaankaas.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanaka kale xusay in fatahaada webi Shabeelle ay dhibaato weyn u gaystaan shacbiga gobolka Shabelle Dhexe gaar ahaan magaalooyinka uu wabigu maro. Waxaana sheegay in fatahaaduhu si weyn u saameeyaan beeraleyda iyo dalaga dalka oo dhan.

“Fatahaada webi Shabeelle waa musiibo qaran, oo loo bahan yahay in lala tacaalo. Waxay saamaysay dad aad u tiro badan oo ku nool magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda. Waa mushkilo dabiici ah oo soo noq-noqota una baahan in si wada jir ah loo wajoho, iyo in la garab istaago kuwa ay saameysay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Sida ay ku war-bixiyeen maamulka gobolka Shabeelladda Dhexe, webi Shabeelle ayaa shaley ka fatahay magaalada Baarey oo 11 KM dhanka Waqooyi Bari uga beegan magaalada Jowhar. Waxaa fatahaaduhu saameeyeen dad gaaraya Kow iyo Toban kun oo qof, asagoo saameeyay 31 tuulo oo ku yaal agagaarka degmada Jowhar. Waxaana dhimashadu illaa iyo hada gaareysaa 11 qof, ayadoo laga cabsi qabo in khasaarahu bato dhawrka bari ee soo socda, hadaysan dadku helin cuno iyo biyo nadiif ah. Maamulka Gobolku waxaa ay ku warmeen in degmada Jowhar ay biyaha fatahaadu xireen sadex kamid ah afartii jid ama waddo ee soo gali jirtay magaalada.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.