Home » Maqaallo »

Doorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada. Q/2aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

Allaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Waxaynu qaybteenii hore kaga soo hadalnay aqoonyahanka iyo astaamaha lagu garto, Qaybtan maanta waxaan kaga hadlaynaa maxaa looga baahan yahay aqoonyahanka?? Inkastoo aan qoraal lagu soo koobi Karin, waxaan isku dayi inaan soo koobo dhawrka qodob ee ugu muhiimsan, Insha Allaaah.

Akhristoow Maxaa looga baahan yahay Aqoonyahan?

Hadaba qofka aqoonyahanka ah waxa lagarabaa inuu wax badan ka badalo bulshada uu la noolyahay dhinaca kasta ha ahaatee.

1.    Waa inuu yahay qof wixii uu bartay uga faa’iideeya bulshada dhinac walba oy tahay, waayo waxa uu wax u bartay waa dadkiisa iyo dalkiisa laakiin maaha inuu yahay qof dadka u sheegta aqoonyahan, kuna raadiya magac iyo sumcad aan ku dhisnayn aqoontiisa iyo kartidiisa wax qabad ee bulshada uu la nool yahay, balse waa inay bulshadu u aragtaa inuu yahay qof aqoontii uu soo bartay dadka iyo dalka uga faa’iidaynaya, markaas bulshadu ku maamuusto inuu yahay qof sumcad iyo tixgalin leh, maadaama uu yahay qof u faa’iideeyay bulshadiisa.

2.    Aqoonyahanku waa inuu bulshada ku dhiiri galiyaa midnimada, wax wada qabsiga iyo Horumarka kana reeban yahay Qabyaalada iyo qudhunka hadheeyay maanta bulshada soomaalida meel kasta oo ay joogaan, kuna hamiyaa sidii uu bulshadiisa u gaadhsiin lahaa horumar waara.

3.    Qofkasta oo Aqoonyahan ah waxa laga rabaa inuu ogaado inay maanta tahay maalintii Aqoonyahanka lagu baxsan lahaa, haday tahay xaga Horumarka, Dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska iyo siyaasada, maskaxdana ku hayaa inuu yahay qof waxka qaban kara horumarka bulshada dhinackastaba, maantana ay tahay maalintii uu aqoonyahanku u kuci lahaa midnimada iyo baraarujinta umadiisa ee xaga horumarka.

4.    Waa inuu dareensan yahay masuuliyada kaga aadan dadkiisa iyo dalkiisaba, Allena kala xisaabtami doono wixii uu bartay haduusan uga faa’iidayn bulshada. Waxaynu ognahay in maanta bulsho kasta oo dunida ku nooli ay ku horumartay aqoonyahano u dadaalaya dadkooda iyo dalkooda u gaadhsiin lahaayeen dayaxa.

5.    Waa inuu yahay qof awood iyo karti dheeraada u leh in wixii uu soo bartay uga faa’iidayn karo dadkiisa iyo dalkiisa waayo waxa uu wax u baranayay waxay ahayd inuu anfaco Dadkiisa iyo Dalkiisa, markastana waa inuu niyada ku hayaa in dadkaan iyo dalkaan ay ka sugayaan wixii uu u soo bartay ugana fadhiyaan inuu hormuud uga noqdo aqoonta uu soo bartay oo markasta bulshadu uga baahan tahay.

6.    Waa inuu ka dhiidhiyo kana damqadaa dhibaatada haysta bulshadiisa iyo dhamaan bulshada soomaaliyeedba, waayo maanta meel kasta oo bulsho soomaaliyeed joogtaba waxay in badan tabayaan doorkii aqoonyahanku ku lahaa bulshada oo markasta aqoonyahankeenu ka gaabiyay.

7.    In aqoonyahannada soomaaliyeed ay ka kacaan hurdada, una istaagaan iskaashiga, wax wada qabsiga, midnimada iyo bad baadinta mustaqbalka bulshada. Maanta bulshada Soomaalidu waxay u baahan tahay Aqoonyahan, Wax garad iyo Dhalin yaro ku hagta umada wadada midnimada iyo wax wada qabsiga oo ah waxa ugu wayn ee maanta bulshada soomaaliyeed tabayso meel kasta oo ay joogaan, taasna waxaa looga fadhiyaa aqoonyahanka iyo wax garadka.

Hadaba dhamaanteen waxaynu oganahay in aqoonyahanku yahay qof waxbartay bulshadana wax wayn ku soo kordhin kara dhinac kasta, Hadaba aqoonayahanka waxa maanta looga fadhiyaa inuu ka soo baxo kaalintii uu bulshada ku lahaa inkastoo aan qoraal lagu soo koobi Karin.

(ALLOW AQOONYAHANKEENA KA YEEL KII BULSHADA U FAA”IIDEEYA).

 

LA SOCO QAYBTA DANBE INSHA ALLAAAH.

suleiman48

Suleiman Bashir Omar

Kampala, Uganda.

Email: ibnubashiir99@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.