Home » Warar »

Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheekh ayaa soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Kismaayo ayaa kulamo la qaatay maamulka KMG ee Jubba,Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Ururadda Bulshadda, Dhalinyaradda iyo dhammaan bulshadda qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay dulqaadka iyo kalsooni gelinta shacabka Jubbooyinka iyo sidoo kale la tashiyadda Madaxweynahu horay ugu tegey qaar ka mid ah goboladda dalka Somaaliya

Madaxweynaha oo boqolaal dadweynaha kula hadlay xarunta jamaacadda ee Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay qorashaha Dowladda iyo mowqifkeedda ku adaan gobolada Jubbooyinka Isla-markaana shacabka Goboladda Jubbooyika ammaan u jeediyey.

Kulan Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa la isku afgartay in ay kasoo qeyb galaan shir Muqdisho ka furmi doono maalinta berri.

somali42

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ay la socdaan Wasiirka Arrimha Gudaha, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa kormeer ku tegay dekadda magaaladda Kismaayo.

Wixii Faah Faahin ah kala xiriir: Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia, Muqdishu mabdalla@presidency.gov.so

Communication Office

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.