Home » Warar »

Dr Cismaan Aadan Cadde oo loo Doortey Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Hotelka Ramada ee Magaalada Muqdisho maanta oo ay Taariikhdu tahay 1-da November 2013 lagu qabtey Shirweynihii Shanaad ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , waxaana ka qayb galey Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Ururrada Bulshada Maamulka Gobolka banaadir , Dhaqaatiir iyo marti Sharaf ,waxaana ugu Horeyntii Guddigii Hore ee Ururka Dhaqaatirta Soomaaliyeed ay wareejiyeen Xilalkoodi si loo Doorto Guddi Cusub oo Hogaamiya Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

somali47

24 Xubnood oo Golaha Dhexe ayaa waxay yeesheen Kulan u gaar ah kaasoo ay ku soo dooranayeen Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Gudooomiyha Golaha Dhexe ee Uurka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , Muddo markii ay isl lafa Gureen ayaa waxaa Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiir Soomaaliyeed loo doortey Dr Cismaan Aadan Cadde , waxaa Gudoomiyaha Golaha Dhexe loo doortey Axmed Cumar Baashi.

Markii ay dhacdey Doorashadaas ayaa waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Dalladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo si weyn u soo dhaweeye Xubnaha loo Doortey Xilkaas oo ay haynaya muddo laba Sanno ah , wuxuuna Shirwac u soo jeediyey Xubaha Hogaamin doona Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay Xilkooda u Gutaan Si Daacadnimo ah isla markaana ururiyaan dhamaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan

somali43 somali44

Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA waxaa uu si aad ah uga waramey Xaaladda Isbitaalka Banaadir oo uu sheegey in ay ka taagan tahay Dawo la’aan isagoo sheegey in Isbitaalkaas lagu daweeyo dadka ugu Nugul Bulshada oo ah Haweenka iyo Caruurta , isagoo u soo jeediyey Dowladda Federaalka iyo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay il Gaar ah ku eegaan Isbitaalkaas oo uu sheegey in Maanta uu marayo meel aad u Xasaasi u ah .

Dr Cali Baashi Rooraaye oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta Aas-Aaska u ahaa Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ka Hadley Shirweynahaas ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xubnaha Cusub ee loo doortey Xilka Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed isagoo ku amaaney Xubnihii hore ee Hogaaminayey Ururka sida Geesinimada leh ugu soo shaqeeyeen Xaaladihii adkaa ee dalka ka jirey.

Sidoo kale Shirweynahaas waxaa ka Hadley Xubno ka socdey Ururka Dhaqaatiirta Carbeed , Dhaqaatiir iyana ka socotey Wadanka Turkiga kuwaa si weyn u soo dhaweeyey Xubnaha Cusub ee loo doortey Ururka Dhaqaatiirta Sooomaaliyeed iyagoo balan qaadey in ay la shaqeyn doonaan Hogaanka Cusub , sidoo kale waxay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku amaaneen sida Daacadnimada leh ay ugu soo shaqeeyeen Shacabkooda intii lagu jirey dagaaladii aan Dhamaadka lahayn.

somali45 somali46

Ugu Dambeyntii waxaa Shirweynahaas soo xirey Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo sheegey in Xukuumadda ay ku faraxsan tahay islamarkaana soo dhaweyneyso Xubnaha loo doortey Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , isagoo sheegey in Maalinta Talaadada ah la qaban doono Shirweynihii Caafimaadka Somaaliyeed kaasoo uu sheegey in looga arinsan doono arrimo fara badan oo ay ugu horeyso qaabkii loo heli lahaa Shuruuc ku Aadan arrimaha Caafimaadka isagoo u soo jeediyey Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka soo qayb galaan Shirweynahaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.