Home » Warar »

Wareysi aad u Dheer oo Dhinacyo Badan Taabanaya oo aan la yeelanay Madaxa Shirkadda FAVORI.

Shirkadda FAVORI oo si Caalami ah u Dhiseysa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa ii  suurta gashey in Xafiiskiisa ku wareysano Madaxa Shirkadda FAVORI Cismaan Basay  oo u dhashey Wadanka Turkiga waxaana wax  ka weydiiyey  Arimo ku saabsan Shirkadda FAVORI iyo qaabka ay Shirkadda u Dhiseyso Garoonka Aadan Cadde iyadoo Xilga aan Wareysanayey  Garoonka  ka soo degayey Diyaarado kala duwan kuwaa oo sidey rakaab iyo kuwa Ganacsi waxaana Shaqada kala Maareynayey Shaqaalaha Shirkadda FAVORI  Sidoo kale Shirkada FAVORI waxay Garoonka ka bilowdey Dib dhis aad u balaaran waxaana uu Wareysigii aan la yeelaney Cismaan Basay  uu u dhacay Sidatan:

Su’aal :Shirkadda FAVORI waa Shirkad Noocee ah ?

Jawaab: FAVORI  waa Howlgal cusub  oo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee  Soomaaliya ay ka  wado Shirkad Turki ah oo ka shaqeeysa Dhinaca Amaanka iyo Dhismaha Garoonka Magaalada Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya Shirkadda FAVORI   waa Shirkad Xarunteedu  ay tahay Dalka Turikga  oo ka tirsan HAWASH Group oo ka howlgala Garoomadda  ugu caansan Dalka Turkiga iyo Dalal badan oo Caalamka ku yaala,waxayna ka Caawinayaan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee  Muqdhishu dhinaca Saadaasha Hawada ,Dhismaha iyo Amaanka sidoo kalana ay ku taageerayaan  Qalab lagu Hormariyo Garoonnka Magaalada Muqdishu.

favori1

Su’aal : FAVORI ma jirtaa Dal aan Soomaali aheyn oo haray ay uga soo shaqeysay?

Jawaab: FAVORI  waa qeyb naga mid ah balse Kooxdeena waxay ka soo Shaqeeyeen qaar ka mid ah Dalalka Caalamka oo ay ku jirto Dalka Turkiga.

Su’aal: Maxaad ku Doorateen ka FAVORI ahaan inaad ka Shaqeysaan Dalka Soomaaliya?

Jawaab :Soomaaliya waa Dal aan Walaalo nahay oo u baahan Horumin islamarkaana laga caawiyo dib u Dhiska iyo Amaanka sidaas ayaan u dooranay inaan ka shaqeyno  Dalka Soomaaliya.

Su’aal: Maxaad uga Badelan tihiin Shirakadii idinka horeysay ee SKA?

Jawaab: Wax weyn ayaan uga badelanahay bal eeg Shirakadii naga horaysay ee SKA waxa ay ka qabatay Garoonka hadana eeg waxa ka socda Garoonka.

favori2

Su’aal:Maxaad ka qabaneysaan Garoonka oo aad ku soo Kordhinaysaan?

Jawaa:Mar hore ayaan Qorshaha aan ku soo kordhinayno Garoonka kala hadalnay DowladdaFederaalka  oo aan ka balan qaadnay inaan ka dhigno lix Kun iyo Shanta Boqol ee Garoonka ka Kooban yahay  inaan dib u habeyn ku sameyno oo aan balaarino Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan ama ka Duulaan,waxaana ku xiri doonaa Kaamerooyinka Qarsoon ee wax Duuba iyo sidoo kale inaan u sameyno Booliska Garoonka ID Cards gaar u ah waxaana keeni doonaan Qalab dhinaca Amaanka oo gaar ah. Qorsahaha Mustaqbalka aan ka leenahay waxa weeyaan inuu Garoonka Muqdishu  la mid noqdo Garoomada Caalamiga ah sid kuwa Europe oo kale, waxaana ka raja qabnaa in Garoonka Muqdishu ay ka duulaan Duulimaadka Caalamiga ah.

Su’aal: Ma dhihi karnaa Shirkada FAVORI Garoonkaan Dayactir bay ku sameynaysaa keliya ?

Jawaab :Haa waa sidaas hada waxaad arki kartaa Dhismooyin cusub oo laga Dhisaayo Gudaha iyo Dibada Garoonka Magaalada Muqdishu.

Su’aal: Markaad dhistaan Garoonkaan kadib imisaad Maamuli doontaan?

Jawaab: Heshiiskeena waxa uu gaarsiisan yahay 15 Sanno , waxaana ka raja qabnaa Dhismahaan hada socda inuu dhamaado Sanadka soo socda Bisha Jun.

favori4 favori3Su’aal: Dhismaha aad ka sameynaysaan Garoonka Muqdishu ma mid aad uga ekeysiinaysaan kuwa Turkiga ku yaalaa mise waa qaab ka badalan?

Dabcan Way dhici kartaa inaan u dhisno sida kuwa ku yaala Dalka Turkiga ama waxaan u Dhisi doonaa sida Garoonada Caalamiga hadana waa uu socdaa Dhismihiisa.

Su’aal: ma noo sheegi kartaa Qaybaha ka duwan ee aad Garoonka ka dhiseysaan

Jawaab: Sida aad ka arkeysaan Naqshadda Garoonka waa mid Caalami ah waxaana u Dhseynaa Dhowr qaybood, Qayb waxaa ka dhoofaya ama ka soo degeya Rakaabka , Qayb waxaan ugu talagaley Diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa Qaadka keena , Qayb waa VIP oo waxaa ka soo degaya ama ka Dhoofaya Madaxda Dowladda , qaybahaas oo dhan waxaa ku Rakib naan doona Kaamerooyin casri ah oo  Dhinaca Amaanka ah.

Su’aal: Qarashka  ku baxay Garoonkaan imisa ayey noqoneyaa?

Jawaab:Inkastoo maalin kasta Qarashka uu kordho hadana waxaa ku baxaya in kabadan 25 Milyan  oo Doolar

Su’aal Shirkadda FAVORI  ma Shirkad Madaxbanaan baa oo ay leeyihiin Ganacsato mise waxaa iska leh Dowladda Turkiga?

Jawaab: Maya gabi ahaanba waa Shirkad Ganacsi oo gaar loo leeyahay oo ka kooban laba qeybood kana dhisan Wadanka Turkiga waxayna ka shaqeeyaan Dalalka Kosovo, Sudan iyo Soomaaliya, waxayna leedahay 5000 qof oo amaanka ka shaqeeya iyo qeybo kale oo Dhismaha ka shaqeeya, marka waa Shirkad  aad u xoogan oo ka dhisan Dalka Turkiga.

Su’aal: Qarashka ka soo baxa Garoonka side loo qeybsanayaa?

Jawaab: Waxaa loo qeybsanayaa 45% waxaa leh Dowladda iyo 55% waxaa leh Favori, sidaas ayaa Qarashka loo qeysan doonaa

Su’aal: FAVORIi ahaan maxaad ka Faa’iidaysaan inaad ka shaqeysaan Soomaaliya Garoonkaana aad Maamushaan muda 15 Sanno ah?

Jawaab Maku siin karo Faa’iida rasmiga ah hada, laakiin way cadahay Maalgalinta aan ku sameynayno Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdshu, Faaiidana way imaan doontaa markii aan dhameyno howlaha aan ka wadno Garoonka.

Sulaal: Heshiiskiina ma waxa uu ku ekyahay Garoonkaan Aadan Cadde mise waxaa jira Garoona kale oo ku yaala Soomaaliya oo aad wax ka qabaneysaan?

Jawaab: Hada ma jiro Heshiis kale oo ka baxsan Garoonka Aadan Cadde ee  Magaalada Muqdishu

Su’aal: Shaqaala badan baa la shaqeynayay Shirkadii SKA ee aad badasheen side baad ka yeeshen Shaqaalahaasi?

Jawaab: Horay ayaan u balan qaadnay inaan shaqada ka jooojin doonin Shaqaalihii la shaqeyn jiray SKA Dhamaantoodana hada way noo shaqeeyaan oo ma jiro qof aan Shaqada ka joojinay.

Su’aal: Ma abuureysaan Shaqooyin ka badan kuwii hore Garoonka uga jirey?

Jawaab: In shaqa badan la abuuro waxay ku xiran tahay baaxada Garoonka iyo baahida markaas soo baxda marka waa sameynaynaa shaqa abuuris waana qaadan doonaa hadba Shaqaalihii aan u baahno.

Su’aal: Yaa ka Mas’uul ah Amaanka Garoonka mise adinka ayaa ka wada shaqeynaayo Maamulka iyo Amaanka Garoonka?

Jawaab: Anagoo raaceyno Heshiiska aan wada galnay Dowladda waxaa Mas’uuliyada ugu weyn ee Amaanka leh Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM laakiin anagu waxaa qaadeynaa  Mas’uuliyada Amaanka Gudaha Garoonka Muqdishu gaar  ahaan Baarista Boorsooyinka iyo qalabka lagu baaro Dadka

 

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.