Home » Faallo »

Soomaaliya ma Soomaali Baa Leh Mise.

adaamoMagaca Soomaaliya Asal ahaan waa magac Qaddiimi ah, waana Magac loo yaqaan Qowmiyad degta Bariga Afrika in kastoo ay jiraan Soomaali fara badan oo ku kala Firirsan Waddamada Bartamaha iyo Geeska Afrika kuwaasoo wadaaga Af Qura, Diin Qura Midab iyo Dhaqan qura.

Mowduuceyga maanta ayaan waxaan hal ku dhig uga dhigay Magaca ah Soomaaliya Ma Soomaali baa leh Mise…. Dabacan Su’aashaas waxa ay Bil Cagsi u Tahay Fannaankii Soomaaliyeed ee Hore ugu Heesay Soomaaliya Somali baa leh.. waan jeclaan lahaa Maanta in bal la weeydiiyo Soomaaliya Cidda iska leh oo haatan Shaki badan uu iga galay.

Magaca Soomaaliya dadkuna waa yahay Dhulkuna waa yahay in kastoo Muhimadda koowaad la siinayo Dadka maxaa yeelay Abtirsiimada dadka ayaa Abtirsanaya ma ahee Dhulku ma Abtirsanayo sidaa darteed aan ku wato Soomaaliya iyo dadka loo yaqaano.
Somaaliya waa la yaqaan waa Ummad degta Geeska Afrika in kastoo ay jiraan meelo kale oo ay ku kala firisan yihiin haddana waxa ay u badan tahay Degaan ahaan Dhulkii la oran jiray Pontland Dhulkii Udugga Magacaasna waxa u garanayay sida ay taariikhdu qortay Faraacinadii hore oo u soo Safri jiray Dhulka Soomaaliya ka hor intii uusan Ibnu Batuuta iman halkan, Faraacinadaas oo sida la sheegay ay Boqorad u ahayd Boqoraddii la oran jiray Xatshibsuut.

Faraacinada ayaa marka ay halkan yimaadaan waxa ay ka qaadan jireen Xabagta, Meydiga, Fooxa, Baalsha Gorayada iyo waxybaaha markaas ay isku udggin jireen Faraacinada isla markaana meelaha macaabidda u ah ku carfin jireen sida Luubaanta oo halkan ay ka dhoofsan jireen sidaana ay ugu bixiyeen magaca ah Pontland Dhulkii Udugga.

Marka intaas oo dhan laga soo gudbo Halggankii Gobanimadoonka Soomaalida ayaan milicsi eegmada ka bilaabayna iyo sida Soomaalidu dadka ula weeyneed wax kastana ay magac dheereed Soomali baan ahay… Holggankii
Gobonimaddoonka Soomaaliyeed ee SYL oo Koofurta Soomaaliya iyo Gobolada dhexe halgan ka waday ayaan eegeynaa iyo Mabaadiidii uu ku hawl gali jiray iyo sida uu ula weeynaa Magaca Soomaalinimada, waxaana ka mid ahaa Mabaadiidka SYL in ninkii lagu maqlo inuu ku hadlo ama ku shaqeeyo Qabiil la gaarsiiyo Ciqaab ah inaan Xitaa gabdhiisa la guursan oo la yiraahdo Hebel qaa Qabiiliste gabdhiisana guur ma laha taasoo Umadda Soomaalida ay aad uga dhiman jirtay Gabdhahooda oo la Guur Takooro.

Hanashadii Xornimda Gobanimadoonkii kaddib Soomaalidu waxa ay ahaayen dad ay ku abuuran tahay Dareen Waddaninimo, Dal iyo Dad Jaceyl ku Faanid magaca Soomaalinimada iyo qiimaha uu magacaas ugu fadhiiyo siibana marka dadka Soomaalida ah ay isku arkaan meelo ka baxsan Soomaaliya gudaheeda.

Todobaataneeyadii wixiika bilowdey Soomaalida waxa ay aad ugu qul qushay oo ay gashay Waddanka Sacuudiga mid ka mid ah Raggii waagaas Sacuudiga tegay ayaa igga wramay sidii uu ahaa Dhaqanka Soomaalida eek u sugan Dalka Sacuudiga, wuxuuna ii sheegay inay iska raaci jireen oo keliya Magaca Soomaalinimada balse aan la aqoon waxa qabiilka la yiraahdo…. Tagsiga ku soo qaada waxa uu u geynayaa Xaafadda ay deggan yihiin Soomaalida Guriga ugu horeeya ee aad soo garaacdo ayaana lagugu soo dhaweynayay adigoon lagu weeydiin qolo aad Soomaali ka tahay.

Waxaan Xusuustaa Shucuurta ama dareenka Waddaniyeed ee Soomaalida lagu yiqiin Sanadkii 1977kii. Xiligaan oo aan si weyn u garan karay Xaaladaha iyo Marxaladaha ka dhex jira Soomaalida, laba daraalana waxaan xasuustaa dagaalkii loogu magac daray 77 ama Todoba iyo Todobaatankii iyo Waddaniyaddii ay muujiyeen Soomaalidii xilgaa joogtay… Waxaa isku Xirnaa odeyga xaabada suuqa keena habarta Yaanyada iibisa, Ardeyga Iskulka Dhigata Askeriga difaaca dalka u taagan Odey Dhaqameedka, haweenka Guryaha jooga. Culumada Diinka, Dhaqtaariirta iyo Saraakiisha dawladda oo ay ka go’need in Soomaali Galbeed Xorowdo Dagaalkana qof walba wixii uu karo uu kaga qayb galo yaanan ka tagin Fannaaniinta oo 24kii Saacba soo saari jirtay Suugaan lagu Guubaabinayo Ciidamada dagaalamaya runtiina arrimahaas oo dhan ruuxii xiligaas joogay isagoonba la farin inuu Dagaalka aado ayuu iskiisa udhaqaaqayay taasina ma ahayn wax si gaar ah loogu balamay laakiin wuxuu ahaa dareenka dadka ku jira oo ahaa mid dhab ah oo Dhiigoodu ku shaqaynayo.

Bur burkii Dalka ka dhacay waxyaabahaas oo dhan daaqadda ayay ka baxeen waxaa la arkay Somali Soomaali kale ucadow ah oo dilaya ama Xiraya, Dad ka faanayaba magaca Soomaalinimada oo jeclaan lahaa in ay kaba jinsiyad bedeshaan waaba haddii ay heli karayaan.. Soomaali Soomaali kale Jaasuusaya kuna raadsanaya wax xoogaa abaal marin ah oo ku helo, Somali Cadowtooyo uun laga soo taagay oo 24ka saac Meelaha tororogleynaya kuna daalaya wax aan macno badan samayneyn waa goobaha fadhi ku dirirada loo yaqaanee.

Soomaaliya ma Soomaali baa leh Su’aashaas waxaa igu dhaliyay inaan is wweydiiyo ka gadaal markii aan waayay wax magac Soomaaliyeed ku soconaya, in badan baanse arkay oo maqlay.. Maamul Goboleedka… Beesha, Ururka iyo wixii la mid ah halkaasna waxaan ka dareemayaa in Dareenkii lagu yiqiin dadka Soomaaliyeed inuu meesha ka sii baxayo….

Waxaa intaas ii dheer oo maqlkeyga ka batayMuhaajiriin Soomaali ah baa badda ku qarqamay, Muwaadiniin Soomaali ah ayaa xasbiyada dalkaas ka buuxda, Soomaalidii baa la ugaarsanayaa oo la dilayaa ama la dhacayaa ama la Gubayaa, Dumar Soomaaliyeed baa Xadka Dalkaas lagu Kufsaday, Caruur Soomaali u badan baa la la’yahay iyo ereyo kasta oo Naxdin kugu beereysa, waan yaabay Soomaalidii waa wada qaxooti, qaar baa hadda u hamuun qaba qaxootinimada qaar baan kala jecleyn Nidaam iyo in la helo Dawladnimo loo aayo dareen waddaniyeed dhimay oo warkiisa ma jiro, Colaadaha si weyn baa loogu durbaan tumaa, Nabad iyo Nolol adigaaba sheegaya, waa Su’aashee Soomaaliya ma Soomaali baa leh mise waa lala leeyahay.

Ugu Dambayntii Su’aashaas dad weynahan weeydiinayaa oo aan leeyahay anigu Dadoow yaabaye Soomaaliya ma Soomaali baa leh mise waxaa jira Dad kale oo aan ku heshiinay in ay nala yeeshaan magacaas iyo Dhulkan Barwaaqadiisu boqolka mar naga badan tahayOo aan martida ka nahay walibana aan ka sii cararayno?
W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo
E-mail.aadaamo2@hotmail.co.uk.
00252615511863

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.