Home » Warar »

Madaxweynaha oo soo dhoweeyey booqashada taariikhiga ah ee QM oo cadeyneysa taageeradooda Soomaaliya, iyagoo xafiis cusub ka furanaya Soomaaliya.

Mogadishu – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey ay ka furaneyso Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa\id oo uu Madaxweynahu yiri:

somali35“Booqashadan maanta waa mid taariikhi ah oo caddeyneysa sida ay QM uga go’antahay garab istaagooda, waxaana maanta ku soo dhoweyney Muqdisho Jan Eliasson oo ah Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

“Qaramada Midoobey waxey na tuseen sida ay noo taageersanyihiin oo ay weliba xafiis hor leh oo cusub ay ka furanayaan Muqdisho. Wadashaqeyn rasmi ah oo na dhexmarta Qaramada Midoobey waa muhiim oo noo sahleysa inaan sida wada jir ah u wada shaqeyno, tanoo kordhineysa xiriirka, gar-gaarka bani’aadanimo, go’aan gaarista iyo wada shaqeynta si hufnaan iyo furfurnaani ay ku jirto.”

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa waxey ka wada hadleen kaalmada iyo wada shaqeynta Qaramada Midoobey ay u fidiso Soomaaliya, horumarka ballaaran ee ka jira Soomaaliya iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxey ka wada hadleen shirka Golaha Ammaanka ee QM oo dhowaan dhacaya loogana hadlayo sidii caalamku u taageeri lahaa Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. Madaxweynaha ayaa yiri “Al-shabaab waa laga guuleystay, laakin weli ma aysan dhiman, Golaha Ammaanka ee QM waa inay caawinaan sidii ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM u heli lahaayeen tasiilaadkii lagu dhameystiri lahaa shaqada oo Al-Shabaab dalka looga sifeyn lahaa. Mustaqbalka Soomaaliya iyo xasilinta dalkaba waxey ku xiran yihiin sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tababaran isla markaana heysta dhaqaalihii ay ku howlgali lahaayeen.”

“Xiriirkeena annaga iyo QM waa mid mudo soo jireen ahaa oo waqtiyo fiican iyo waqtiyo murugo lehba aan isla soo marnay. Waxaana soo dhoweyneynaa taageerada iyo isgarab istaaga QM oo ay taageerayaan qorsheyaasheena amniga, dib u dhiska dalka iyo xasilinta dalka. Kaalmadii QM, Midowga Afrika iyo caalamkaba waxaa noogu suurto gashay inaan horumar baaxad leh sameyno sanadkii la soo dhaafay. Caalamkuna wey arkaan horumarkaas aan sameyney, laakin weli waddo dheer baa na wada sugeysa si aan dalka ugu soo dabaalno amni, kala danbeyn iyo horumar dhan walba ah. Waxaan ka shaqeyneynaa Soomaaliya oo nabad ah oo si nabad ah ula shaqeyneysa waddamada deriska ah iyo caalamkaba, oo shacabku ay nolol maalmeedkooda si nabad ah ugu shaqeysanayaan oo ay kalsooni iyo sharaf ku jirto.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in QM ay nala joogana oo ay nagala shaqeynayaan waddadaas iyada ah. Ayuu yiri Madaxweynahu.

26 October 2013

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.