Home » Warar »

Burcad Badeedu : Dhibaato Badanaa!!

Burcad Badeed baa yimide Danyareey Durug.

Markii ay Dhacdey Dowladii Milatariga ahayd 1991-dii ayaa waxaa uu Hubkii Qaranka uu gacanta u galey qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed kaasoo sababey in ay Dalka ka dhacaan Dagaalo Sokeeye oo Galaaftey Nolosha Dad fara badan , wuxuuna Dagaalka uu ku faafey inta badan Gobolada Soomaaliyeed , waxaana Dalka Dhacay Xadgudubyo aad u waa weyn oo ilaa iyo hadda Saameynteedu ka jirto Wadanka, Dhibaatadaas Shacabka ku habsatey ayaa waxaa ugu sii darsamey mid kale oo ay Abuureen Kooxa Burcada Badeed loo bixiyey oo aan Saameynteedu ku ekaan Dalka keliya balse u Gudubtey Wadamada Caalamka.

Kooxaha loo bixiyey Burcada Badeedka waxay Bilaabeen in ay Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Samafalka ee u soo socda Soomaaliya iyo meelo kale oo Aduunka ka mid ah ee maraya Xeebaha Soomaaliya in ay halkaa ka Ugaarsadaan taasina waxay keentay in uu Jahwaraar uu galo isku Gudubka Ganasiga Adduunka ,waxaana bilaabey Qayla Dhaan ku Aadan Burcad Badeedka Soomaaliya oo Aduunka uu u Aqoonsadey mid ka mid Dhibaatooyinka ku soo biirey Caalamka ,waxaana la qabtey Shirar badan oo aan wax natiijo ah ka soo bixin, waayo Caalamka ma Abaarin qaabka ugu Hoboon ee loola Dagaalami karo Burcad Badeedka taasina waxay keentey in ay sii laba Laabmaan,waxaana maalin waliba ku soo biirayey Dhalinyaro ka dib markii ay arkeen Lacagaha Madax Furashada ee Malaayiinta Doolar ah ee la siinayo Burcad Badeeda.
somali30
Ma yara Dhibaatooyinka ay Bulshada ugu geysteen Kooxaha Burcad Badeeda hadii aan soo qaadano Tusaale, Maraakiibtii Ganacsiga ayaa Kiradii ay ku imaan jireen Soomaaliya waxaa lagu laba jibaaray Qiimaha Kirada Rarka walibana waxaa loogu Daraa lacag loogu Magacdarey Dhinaca Amaanka ,hase yeeshee Ganacsatada ayaa Lacagahaas ku Kordhiya Bulshada Soomaaliyeed ee Taagta daran waxaana dalka ka dhacay Sicir Barar Saameeyey Dadka oo dhan gaar ahaan kuwa Dan yarta ah, sidoo kale Kooxaha Burcad Badeedka waxay u aaba yeeli waayeen Maraakiibta sidda Shixnadaha Samafalka,taasoo la dhihi karo waxay hoos u dhigtey Samafalkii dadku ka heli jirey Hayadaha Deeqaha bixiya waayo waxaa adkaatey Maraakiib ku soo dhiirata Soomaaliya oo Samafal u qaada Dadka Soomaaliyeed ee 23-ka Sanno Dagaalada aan Dhmaadka lahayn ku jirey.

Halkaan laguma soo Koobi karo Dhibaatooyinkla ay keeneen Kooxaha Bucada Badeeda waxay Dhibaatada ugu weyn u geysteen Deeganada ay Maraakiibta u Afduuban la tagaan waxaa dadkaa ku habsatay iyagoo markii hore iska liitey Sicir Barar kii ugu Darnaa , sidoo kale waxaa Dadka Deegaanadaas ku dhacay Qisooyin marka lagaaga sheekeeyo aad a argagaxeysid ,waxaana ka mid ah Dumar la qabey oo is Fasaqey si ay Ehel iyo Xigaalo ula noqdaan Dhaliyaradda Burcad Badeeda ah ee Jeebkoodu Buuran yahay ,taasina waxay mararka qaar sababtey Dagaalo ku Aadan Dhinaca Damarka,waxay dad badan Xasuusisey Oraahdii ahayd (Janaalaa yimide Jabhadow Durug ) marka maanta waxay taagan tahay ( Burcad Badeed baa yimide Danyareey Durug).

Dhibaatooyinka kale ee ay Bulshada u keeneen Kooxaha Burcada Badeeda waxaa ka mid ah Dhaqan Xumo aad u baahsan waxaa deegaanada ay Maraakiibta Keensadaan si aad ah ugu faafey Noocyada kala duwan ee Maandooriyayaasha sida Daroogada iyo Khamriga sidoo kale waxaa Deegaanadaas ku faafey Xanuunka HIV/AIDS ka dib markii Tumashadu badatey marka aad tagtid Goobaha lagu Baaro Cudurkaas inta badan dadkaas waxay ka yimaadeen Deegaanada Burcad Badeedka Hoyga u ah ,.

Dhibaatooyinka Bulshada u geysteen waxaa ka mid ah Dagaalo sababa Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaara dadka rayidka ah kuwaas oo ka yimaada Ciidamo Shisheeye oo baacsanaya Kooxahii Burcad Badeedka ee Dhibaatada geystey,waxaana meelaha qaar ka muuqda raadkii Dagaalkaas sidoo kale Deeganada ay ku Badan yihiin Kooxaha Burcad Badeeda looga quustey in ay tagaan Hayadaha Samafalka ka dib markii iyana lagula kacay Afduub oo qaarkod laga qaatey lacago Madax Furasho ah marka waxaa la dhihi karaa Deegaanadaas waxay Dhamaantood u Afduuban yihiin Kooxaha Burcad Badeeda waayo waxay Xireen il kasto oo dadkaa Horumar ku gaari kareen ha Noqoto isbitaalo loo dhiso , Dugsiyo Waxbarasho iyo Adeegyadii kale ee Bulshada ah .

Guntii iyo Gabagabadii Qaabka uu aduunka ku Doonayo in ay kula Dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeeda oo ku bixiyaan Malaayiin Doolar ayaa dadka sida aad ah ugu Dhuun Daloola waxay leeyhiin waa mid aan Guul laga gaari Karin waxayna soo jeediyeen in loo baahan yahay in kordhiyo wacyi gelinta Dhalinyarada ku Howlan Burcad Badeednimada loona sameeyaa Shaqo Abuur ay kaga maarmi karaan Howlihii Burcad Badeednimada taasoo haatanba la Dareemey markii qaarkood ay ka soo laabteen Falkaas Guracnaa waxaana Howshaas qabtey Hayado isku taagey kana Damqadey Dhibaatooyinka kooxahaas ku hayaan Shacabka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.