Home » Maqaallo »

Libintii Kacaankii 21-kii Oktoobar lugooyaa ka Dambeysay!!

Oktoobar waa tee waa tuma…Oktoobartaan sara kacnoo na saacidaay…goormee lugooyadii na deysay 21-kii Oktoobar…Oktoobareey adaa lahaa iyo ereyo kale oo isugu jira suugaan iyo halku dhigyo cul culus ayaa maanta oo kale ku soo dhici jiray dhegaha ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ahaa weyneynta hab maamuuskii loo sameyn jiray hadba sanadguuradii la joogo ee Kacaankii 21-kii Oktoobar 1969-kii ka hana qaaday Soomaaliya.

Taariikh ahaan intii u dhaxeysay 21-kii Oktoobar 1969-kii ilaa iyo 26-kii Janaayo 1991-kii waxaa Soomaaliya soo maray maraaxiil kala duwan oo qaarkood wanaag fara badan lagu xusuusto, waxaana mudadaasi soconayay isbedelo horumarineed oo aan la soo koobi karin, kuwaasi oo lagu gaaray horukac dhinacyo kala duwan leh, iyadoo hadba uu wadanku la jaan qaadayay wadcigii la joogo.
Dhalashadii Kacaankii 21-kii Oktoobar oo ku beegneyd xilli uu dalku ragaadiyay musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan ayaa dhalashadii Kacaankaasi wuxuu soo dhoweyn ballaaran ka helay bulshadii Soomaaliyeed oo wakhtigaasi ay dillootay kala qeyb sanaantii ka dhex jirtay xisbiyadii iyo siyaasiyiintii waagaasi joogay

Ballanqaadyo cadcad oo ku aadan horumarinta dadka iyo dalka ayuu durbaba la soo shir tegay kacaankaasi, wuxuuna yididiilo farxadeed uu ku abuuray shacbiga Soomaaliyeed, waxaana towradii dhalatay ay ku dhaqaaqday fulinta axdiyadii ay qaaday, iyadoo wax walba laga hor mariyay sidii kor loogu qaadi lahaa dantii guud ee dadka ka wada dhaxeysay.

Inkastoo aan la soo wada ururin karin guulihii uu bulshada gaarsiiyay Kacaankii barakeysnaa hadana waxaa marnaba la iloobi karin qoraalkii farta Soomaaliga, dhismihii dalka, u hiilinta xoogsatadii danyarta ahayd, ballaarintii maamulka Qaranka, hirgelintii nidaamka iskaa wax u qabso oo hay’ado badan lagu unkay, adkeyntii midnimada Soomaaliya, baahintii siyaasadda arrimaha dibadda, xoreyntii wadamada Afrika qaarkood, nooleyntii dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed, la dagaalankii qabyaaladda, gaarsiinta dalka oo dhan tacliin lacag la’aan ah, caafimaad bilaash ah, wax ka qabashada abaartii daba dheer, dhismihii ciidamada qalabka sida iyo amni ku soo dabaaliddii gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan ilaa uu qofka Soomaaliga ahi uu ku noolaan karayay halkii uu doono ama uu socon karayay xilligii uu damco, iyadoona cabsi jirin.

Xaqiiqdii ammaan iyo bogaadin aan la soo koobi karin ayuu Kacaankaasi ku leeyahay waxqabadkii uu uga tegay geyiga Soomaaliya, waxaana hubanti ah dadka Soomaaliyeed intooda nadiifka ah inay mahad naq saafi ah u hayaan odayaashii curiyay Kacaankaasi, iyadoo aanay shaki ku jirin inay adkaan doonto in la gaaro horumarkii uu dibadda iyo gudahaba uu ka sameeyay kacaankaasi.
Ruug cadaagii Milateri ee towradaasi hoggaaminayay S/Gaas Maxamed Siyaad Barre waxaa abaal weyn looga hayaa guulihii uu Kacaankaasi gaaray, waxaana uu ahaa wadani ay wax walba kala weyn tahay Soomaalinimada, isagoo ahaa dal daneeye iyo dad jecle lagu xusuusan doono horumarkii samadda lalayay ee ay Soomaalidu haabatay intii u dhaxeysay todobaatameeyadii ilaa iyo sideetameeyadii.

Layaab ma lahan inta ay shaqo socoto inay qaladaad dhacaan, sidaasi daraadeed hadaan noqono dad taariikhda run ka sheegaya waa jiri karaan Soomaali aan badneyn oo ay u muuqato qaladaadkii uu ku kacay Kacaankii Oktoobar, ha yeeshee waxaa haboon in leys barbar dhigo sax iyo qalad kee baa badan, haddii uu miisaanka u bato dhinaca wanaagsan waxaa xiqiiqo ah in qiimeyntii la sameeyay ay noqoneyso mid cadaalad ku dhisan, sidaasi aawgeed inta wax garata ee wanaagga Soomaaliyeed jecel waxay oran karaan Kacaankii Oktoobar waa la mahadiyay.

21-sano kaddib 26-kii Janaayo 1991-kii ayaa la galay qaladkii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca, maxaa yeelay waxaa xilligaasi si caadifad qabiil ku jirto aawgeed loo maja xaabiyay xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu dhacay dabinkii uu Jaalle Siyaad ka digi jiray ee ahaa in gacanta loo galo qabqableyaal dagaal, dalkuna uu ka dillaaco dagaal aan dhammaad lahayn oo keena burburka dadka iyo kala go’a dalka.

Marka leys barbar dhigo hal doorkii dalkaan ka talin jiray 21-kii sano ee Oktoobar iyo kuwii ka dambeeyay ee ay ka mid ahaayeen Cali Mahdi, Jan. Caydiid, Maxamed Qanyare, Cusmaan Caato, Muuse Suudi, Col. C/llaahi yuusuf, Jan. Cadde Muuse, C/raxmaan Faroole, C/raxmaan Tuur, Cigaal, Riyaale, Siilaanyo, Prof. Garguurte, Sheekh Shariif, C/qaasim, Shariif Xasan , Axmed Madoobe, Indhacadde, Shaatigaduud, Axmed Godane, Xasan Daahir, Abuu Mansuur iyo kuwa kale ee la midka ah waxaa isweydiin mudan yaa wadanisan? Shaki kuma jiro in Maxamed Siyaad uu kooxdaan ka dadnimo fiicnaa isla markaana ka daacadsanaa kana gobsanaa, waxaana dad badan ay qabaan haddii la dhihi lahaa maanta ha loo codeeyo Siyaad Barre iyo raggii ka dambeeyay, waxaana laba isku diidaneyn inuu marxuum Maxamed Siyaad Barre ku guuleysan lahaa codeyntaasi.

Laga soo bilaabo 1991-kii ilaa iyo maanta aynu joogno oo ku beegan 21-ka Oktoobar 2013-ka waxaa u dhaxeeya 22-sano, waxaana mudadaasi ka dhaxalnay halka hoose ee aan maanta joogno sida amni darrada leh, dilka dhaca iyo barakicinta, midnimo la’aanta, musuqmaasuqa, Al-Shabaab, Dam-Jadiid, Ictisaam, maamul goboleedyo qabyaaladeysan, faragelin shisheeye, burcad badeed, Qaranimo la’aan, idaacado iska af bannaan, NGO-yo daneysi shaqsiyadeed ku dhisan, tahriib, Madaxweyne uu Wasiirkiisa madaxtooyada u taliyo, Ra’iisal Wasaare jilicsan, xukuumad aan wada shaqeyn laheyn oo ku jaha wareersan Wasaaradihii leys dul saaray, Baarlamaan laaluush qaate ah, hab qeybsi la yiraahdo 4.5 oo dadka qaarkii lagu yiri waxaad tihiin nus iyo dad ay wadaniyadu ka dhimatay, kuwaasi oo aad moodo inay ku ballameen been iyo ruux walba inuu u halgamo sidii uu u daneysan karo.

Lugooyo, dib u dhac, qabiil u dirir, daneysi, sharaf dhac, dowlad la’aan, dil, dhac, barakac, musuqmaasuq iwm waxaan filayaa in ku filan Soomaaliya inay ku soo dhacday 22-kii sano ee aan soo dhaafnay ee marxuum Siyaad Barre dalka laga eriyay kaddib, sidaasi daraadeed anigoo huba libinta Kacaankii barakeysnaa inay lugooyo ka dambeysay ayaa ugu dambeyntii waxaan oran lahaa si dhibaatada inagu raagtay aan uga gudubno marka hore Alle aan u wada towba keenno, marka xigana anagoo Maxamed Siyaad uga mahad naqeyna wixii uu dalkaan u qabtay aan ka noqono wixii dhacay XALAY DHALAY si ay Soomaalinimadeenii u soo noqoto.

Waxaa Qoray:- Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Libintii Kacaankii 21-kii Oktoobar lugooyaa ka Dambeysay!! "

  1. waad ka run sheegtay arintaas laakiin nasiib darada somalia haysata wali waxaa ku jira cudurka iyo xanuunka qabiilka kan indho iyo xaq tiraya xaqiiqda.