Home » Warar »

Qarax ka dhacay Beledweyne oo ay ku dhinteen 10 qof

Saaka abaara 11:00 barqinnimo ayaa qarax ka dhacay goob maqaaxi ah ee magaalada Beledweyne ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof.

Warsaxaafadeedyadii ay DFS ka soo saartay qaraxa hoos ka akhri

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne

Muqdisho, October 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna ille bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda maamul.

Qaraxa saaka abaara 11:00 barqinnimo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala meel ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa fuliyay qof naftii-hallige, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid ah.

Garad Salad Hersi
Press office, PM office
Mob.+252-615536608
Mogadishu, Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey Qaraxii Beledweyn

Muqdisho, 19 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyn oo halkaas dad aan waxba galabsan isku qarxiyey.

Madaxweynaha ayaa yiri “Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa.”

Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan.”
-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka Tacsiyadeeyey Qaraxii Beledweyn…WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii shacabka ahaa ee maanta sida xaq darada ah loogu dilay qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN,waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu diro anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka dadkii shacabka ahaa ee maanta sida xaqdarada ah loogu dilay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan,waxaa dadkaasi ay sababsadeen gacan ka xaqdaran”

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Alle uga baryey dadkii goobtaasi ku geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,inta dhaawaca ahna uu Alle caafimaad siiyo waxaana uu sidoo kale uu Alle ka baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ehelladooda goobtaasi ku geeriyoodeen.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin gaar ah u diray dadka reer Hiiran waxaana uu yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan uga diro fariin Shacabka gobolka Hiiraan waxaanna leeyahay weerarrada argigixisonimo ee noocaan ah ujeedada ka dambeysa waa in la idiinka hor istaago hormarka dhanka dimuqraadiyada ah ee aad ku talaabsaneysaan waxaan idiinku dhiiragelinayaa ineysan ficillada noocaan ah idiin niyad jebin oo aad idinkoo isku duuban cadowgiina meel ugasoo wada jeesataan”

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.