Home » Warar »

Baarlamaanka: “waa waxba kama jiraan in aan Ra’isulwasaaraha ku amarnay inuu codka kalsoonida nasoo weydiisto” “DAAWO VIDEO”

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamayaa war been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha qaarkood kaasi oo ku saabsanaa in Gudoonka Baarlamaanka uu u qoray Ra’isulwasaaraha Xukuumadda warqad looga dalbanayo inuu Baarlamaanka soo weydiisto codka kalsoonida.

buuxXoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “shalay waxaa kasoo baxay Websiteyada iyo idaacadaha qaarkood war been ah oo laga sheegayo Baarlamaanka,anigu waxaan ahay xoghayaha guud ee Baarlamaanka waxaad la socotaan in Baarlamaanka uu u furanyahay dadweynaha taasina waa qodob dastuuri ah sababtuna waxey tahay howlaha Golaha Shacabka iney had iyo goor la socdaan marka ma ahan shaqada Baarlamaanka wax qarsoon”

Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in websiteyada qaar ee warkaasi been abuurka ah baahiyey waxey yiraahdeen mooshinbaa Ra’isulwasaaraha laga keenay kadibna Gudoonka ayaa warqad u qoray Ra’isulwasaaraha oo looga dalbanayo inuu Golaha shacaka kalsooni soo weydiisto laakiinse waxa uu si cad u sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah.

“waxaan doonayaa inaan shacbiga u iftiimiyo arinta u yeerista Ra’isulwasaaraha ee 26ka bishan waxa loogu yeeray waa inuu Baarlamaanka u jeediyo khudbadiisa uu kaga hadlayo xaalada dalka waana khudbad dhammaanba Baarlamaannada caalamka ay ka jeediyaan madaxdu waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa (The state of the nation) wuxuuna Baarlamaanka kala hadli doonaa miisaaniyadiisii hore sida ay u hirgashay,caqabadaha ka hor yimid iyo sidoo kale inuu Golaha Shacabka horkeeno miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014 ayadoo kadibna uu Wasiirka Maalliyadda imaan doono oo arinta Miisaaniyadda sii amba qaadi doono taasi ayaana ah xaqiiqda jirta oo ma jiro wax mooshin ah oo la keenay”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa ka hadlay nidaamka mooshin keenista waxaana uu xusay in marka ay XIldhibaannada mooshin soo diyaariyaan ay isaga oo xoghayaha guud ee Golaha ah kadibna uu lifaaq ku daro sidaasina uu gudoonka Baarlamaanka ugu gudbiyo,si cadna waxa uu u sheegay inaanay hada jirin wax mooshin ah.

Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray tafaftireyaasha warbaahinta qaarkood oo uu kula taliyey iney ka fekeraan warka ay daabacayaan saameynta uu yeelanayo dhinac kastaba oo aysan ku deg degin baahinta war aysan hubin loona baahanyahay in tan hada dhacday ay ku qaataan tusaale,wararka ceynkaasi ahina waxa uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo looga golleeyahay in hormarka dowladnimada lagu dhaawaco.

Jaalleyaal Linkiga Videoga Shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Linkiga Hoose ka dheehda:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.