Home » Faallo »

Soomalidu ma isxukumi kartaa? Mase laxukimi karaa?

shiilQore:

Axmed shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden

Bismillaahi,  wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaahi

Waxaa dhawaanahan bogagga internetka kusoo baxayey qoraal lagasoo xigtay xarumaha kaydka dukumintiyada ee Boqortooyada Ingiriiska, qoraalkaas oo uu Gumaysigii Ingiriisku ku falanqaynay 1960 kii soomaalidii markaa gobonimodoonka ahayd siduu ula dhaqmi lahaa.

Sida kucad qoraalkaa Ciidanka sirdoonka gudaha ee Ingiriisku 1960 markii xoriyadda lasiiyey soomaaliya waxay sheegeen inay kawalwalsan yhiin mustaqbalka dawladnimo ee soomaalida ayagoo qeexay cabsi ay kaqabaan inay xoriyadda uhorseeddo soomaalida burbur iyo dagaal qabiileed oo faraha looga gubto.

Waxay kusheegeen qofka soomaaligu mid sal fudud oo isbadbadal badan, sidoo kale inta badan doorbida dantiisa shakhsiyadeed, midda qaraabadiisa iyo ta qabiilka uu kasoo jeedo.

Qoraalka oo ahaa sir qaran oo uu Ingiriisku leeyahay lana siiyo sida caadada u ah, dawladaha hore umaray cimri lagu xafido kadib markii laga gudbana lasoo shaacbixin karo, ayaa soo shaaxbaxay 52 sano kadib markii laqoray, soomaaliyana ay xoriyadda qaadatay.

Eebboow nimaan wax ogayn ha cadaabin! Ayey soomaalidii hore xikmad ahaan u adeegsan jireen, kawarramma hadduu qoraalkaas soo shaac bixi lahaa 1960 kii ama kahor?

Jawaabuhu waxay u ekaan lahaayeen sidan;

Gumaystuhu wuxuu rabaa inuu naga horistaago xoriyadda aan xaqa uleenanahay!

Gummaystuhu wuxuu rabaa inuu ceeb iyo cowro uhelo soomaali siduu usii gummaysan laaha!

Maadaamma uu Ingiriisku yahay Gumayste soomaaliya gummaystay hadalkiisu qabasho malaha iwm!

Waxaa suurtogala inay mukhaabaraadka Ingiriisku lahaayeen kuhur istaaga xoriyadda soomaaliya arrintan oo daliil ha idiin noqoto. Waxaase nasiib darro ah in soomaali maanta meel kasta oy joogtoba ay kusifowday wixii uu Ingiriisku qoray 52 sano kahor. Soomaaligu ama ha kunoolado Gobolladii xoroobay ama kuwa kuhoos nool dalalka dariska nala ah ee, farqi wayn majiro markay noqoto xagga dawladnimada. Waxaanan kusifownay xagga dawladnimada iyo hannaankeedaba kuwa un hadda dhashay oon waxba kaduwanayn ilmo gujira oo hadda socod barad ah.

Dhinaca kale farqi wayn ayaa udhaxeeyo 1960 kii soomaalidii markaa joogtay iyo kuwa maanta joogo. Maanta waxaa joogo tobannaan kun oo soomaali ah oo haysta shahaadooyin sarsare oo cilmiyada kala duwana, sidoo kale tiknoolajiyada aduunka oo horumar wayn sammaysay waxaa sahlan in si dhibyar lagu barto ama lagu helo hadba aqoonta loo baahan yahay iyadoon waddo dheer loo marin. Saas ooy tahay markay noqoto dawladnimo waxaan joognaa 1960 kii ama kahor, marka hal shay ama laba shay laga reebo; Dadka oo tiro yaraa iyo iyadoo aan aad loo kala aamin baxsanayn.

Hadda dadku aadbuu utiro batay, is aaminidna majirto.

Waa mucjiso in bulshadeennu ayna qarni badhkii wax isbadala ama horumara ayna kasammaysan shayga bulsho nolosheeda ugu muhiimsan oo ah dawladnimada, kama duwana 52 jir hadda un dhashay oo wax walba bilow ay uyihiin inuu bartana kukhasban.

Sida muuqato hadda hadii lagu guulaysto dawladda hadda dhisan waxaa cad, in ay udhaqmi doonto sidii tii 1960 kii oo ladhisan doonto dawlad kusalaysan xisbiyada tartamo. Taas waxay kadhigan tahay inay xisbiyadu u ekaan doonaan qaabkii kuwii 1960 kii, walow magacyada layara xarxardhi doono, nooc isgaashaanbuuraysi ahna uu imani, sidoo kale aqoonyahanno shahaadooyin qurux badan watona ay hormuud unoqon doonaan xisbiyadaa, marka waxaa meesha taallo maxay xibiyadaa kutiirsani mabaadii ahaan?

Qolo qolo, ayey jawaabtu noqon,  illeen dadka aqlabiyadoodaa ayaa sidaa ay caqiido utahayee, suurtoobi mayso in mabda’ korka looga keeno, oo waxwalba waxay kusalaysnaan fahamka iyo damaca bulshada dhulka daggan. Bulshada dhulka daggan aragtidooda dawladeed waxaa saldhig u ah in Tolku kursi kahelo hay’adaha dawladda oo waliba kursigaa uu noqdo mid irmaan oo naasnuujin badan tolku kahelo helo. Maamul kasta oo ladhiso dadku waxay kafiirini xubno ay isku qolo yihiin inay kadhaxmuuqdaan iyo inkale. Dan saas ah lagama laha qofku aqoon ma u leeyahay shaqadiisa si hufanse ma ugasoo bixi karaa. Dadka marka heerkaas joogo dawladnimadaba uma muuqato ee waxay kumashquulsan yihiin waxyaabo hooshoose oon macno wayn kufadhiyin. Waana sababta keentay inay dawladnimadii dayacanto iyadoo lawada arko.

Qofka bulshadeenna ugu xun oo mudan in xabsi ladhigo oo la ciqaabo, wuxuu mukhuurani balliga qabiilka wuxuuna soo bixi asagoo nadiifa oon ceeb lahayn.

Su’aasha in la iswaydiiyo mudan ayaa ah dawlad madhisan karnaa horta?

Bal qof kastoow iswaydii su’aashaa oo adoon dagdagin kayara feker oo kucelceli, Soomaali dawlad madhisan kartaa? Soomaali dawlad madhisan kartaa? Soomaali dawlad mamaamulan kartaa? Soomaali dawlad mamaamulan kartaa?

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomalidu ma isxukumi kartaa? Mase laxukimi karaa? "

  1. deeq says:

    mahadsanid ilaah cimriga hakuu dheereeyoPROF EENOW