Home » Warar »

Dawladda Soomaaliya oo soo Dhaweysey Weerarkii uu Mareykanka uu ku qaadey Magaaladda Baraawe

somali20
Iyadoo Kulan xasaasi ah ay Xarunta barlamaanka ku yeesheen Guddiga Ammaanka Barlamaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulankaas kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.Wasiirka oo Waraysi gaar ah siiyay Saxaafadda isla markaana ka warbixiyay Kulankii ay la yeesheen Guddiga Ammaanka ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen Qodobo dhowr ah oo ku aadan sidii Dalka dib loogu soo Dabbaali lahaa Ammaan buuxa.

Cabdixakiim ayaa farta ku fiiqay Talooyinkii ay kala qaateen Wasaaradda iyo Guddiga Amniga oo Shaqadoodu isku mid tahay isla markaana kulankoodaasi uu ahaa mid si wanaagsan la isugu afgartay. Wasiirka ayaa xusay in Ciidamada dawladda loo joogteeyay Mushaaraadkoodii taasoo markii hore ahayd caqabad aad u ballaaran oo hor taagan hawlaha Ciidamada balse hadda la xaliyay arrintaa oo meesha laga saaray iyadoo Ciidanku bil walba Mushaarkooda ay u helayaan si joogta ah.

Mar Wariyaashu wax ka weeydiiyeen Wasiirka Dagaalkii dhawaan Maraykanku ku qaaday Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo la Dagaalamaysa Xarakada Shabaab.Cabdixakiim Fiqi ayaa ku tilmaamay xarakada shabaab kuwo lid ku ah Nabadda iyo Dib u dhiska Dalka sidaa darteedna uu kala dhaxeeyo Dagaal aan kala go’ lahayn.

Weerakii Mareykana uu ku qaadey Magaaladda Baraawe ayaa Siyaasiyiin badan waxay Aaminsan yihiin in Weerarkaas uu ahaa mid aan lagala Tashan Dowladda Fedraalka waxaana ay sheegeen in Xeeraka caalamiga ah ay dhigayaan in aan Faragelin lagu sameyn Karin dal Xor oo ka tirsan Qaramadda Midoobety waxayna sheegeen in Weerarkaan uu ahaa mid la mid a kuwa uu Mareynkanka hore ugu soo qaadey Soomaaliya oo aaney jirn Cid ay kala tashatey

Cabdixakiim Wasiirka ayaa ku balan qaaday in ay la Dagaalamayaan Dagaalyahanada Xarakada Shabaab isla markaana ay ka saarayaan guud ahaan Dalka waa siduu hadalka u dhigaye. Si kastaba hadalkan Wasiirka ayaan wax badan ka duwanayn hadaladii uu hore u sheegi jiray oo ahaa in Ciidamada Mushaarkooda la joogteeyay Dagaalna ay ku qaadayaan Xarakada Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.