Home » Warar »

Muqdisho: Agaasimihii hore ee Telefishanka Somalisat Yaasiin Faytin oo ka Badbaaday isku Day Dil

Agaasimihii hore ee Telefishanka Somalisat Yaasiin Maxamed Cali (Yaasiin Feytin) ayaa xalay ka Badbaaday isku Day Dil, kaddib markii ay soo Weerareen Kooxo ku hubeysan Qoryaha AK-47 loo yaqaano xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, xilligaas oo ahayd abaara 8:00 PM Xilliga Muqdisho.

Yaasiin_FaytinKooxaha Hubeysan oo ku sugnaa Xaafadda Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa meel Waddo ah uga hor yimid Gaari uu watay Yaasiin Feytin, kuwaasi oo markii ay Bar garteen ku Riday Dhowr Xabadood Gaarigii uu watay.

Weriye Yaasiin Maxamed Cali (Yaasiin Feytin) ayaa markii uu maqlay Xabadaha dhacaya, xaqiiqsaday inay Gaarigiisa ku dhacday ayuu si Xawli ah u kaxeeyay Gaariga, sidaasna uu uga baxsaday Kooxihii Hubeysnaa

Agaasimihii hore ee Telefishanka Somalisat Yaasiin ayaanu wax ka weydiinay weerarka Xalay ay ku soo qaadeen kooxaha Hubeysan, wuxuuna sheegay inuu ka Badbaaday Weerarkaasi kaddib markii uu Cagihiisa uga baxsaday.

Waxaa uu sheegay Weriye Yaasiin Feytin in Rasaasta ay ku soo rideen Waxyeelo ka soo gaartey gaarigiisa, isagoona caddeeyay inuusan garaneynin waxa ay ahaayeen iyo cida u soo dirsatay Dilkiisa.

Ma aha markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho lagu Weeraro Weriyeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta kala duwan, iyadoo ay jiraan Weriyeyaal la Dilay iyo kuwo ka Badbaaday Dilal qorsheysan oo lala Damacsanaa.

Waxaa qoraalkan ka qayb qaatay: Jabriil Maxamuud Nuur

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.