Home » Warar »

Xildhibaan Xuseen C/salaan oo Muqdisho lagu dilay

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Xuseen C/salaan oo Muqdisho lagu dilay…WARSAXAAFADEED

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaana gelinkii dambe ee maanta Muqdisho ku dilay kooxo dhagarqabeyaal ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid Alle ha u naxariistee walaalkeen Marxuun Xuseen C/salaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka oo gacan ka gardaran sawabsaday, waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,kan Xukuumadda iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii iyo carruurtii uu ka geeriyooday,guud ahaanna shacbiga Soomaaliyeed waxaan u dirayaa tacsi taas la mid ah”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in maalinnimada berri ah uusan jiri doonin fadhigii ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku ballansanaayeen oo loo fasaxay aaska Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan ayadoo aaskana uu Gudoonka Baarlamaanka u saaray gudi gaar ah.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa,eheladiisa iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeyey dilka Xildhibaan Xuseen C/Salaam.

Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii caawa magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Xuseen C/Salaan oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariisee Marxuum Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Xuseen C/Salaam, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ku amray ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.