Home » Warar »

Madaxweynaha oo kulamo muhiim ah la qaatay Madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo safar shaqo ku joogo dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulumo laqaatey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkan Mareykanka Mudane John .F.Kerry, Wasiirka Gaashaandha Mudane Chuck Hagel , Lataliyaha Amniga Qaranka Marwo Susan Rice , iyo Congaresman Keith Ellison.

somali9Kulamadan ayaa waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Aqalka-Cad ee Pentagonka, Capitol,iyo Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka,Madaxaweynaha safarkiisa ayaa waxaa diirada lagu saarayaa wada shaqeyn iyo iskaashi dhaxmara Mareykanka iyo Somaliya.

Kulanka Madaxweynah ayaa waxaa ku weheliyey Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahana Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fowzia H. Yusuf Adam, Wasiirka Maliyada Mudane Maxamuud Suleymaan,iyo Wasiirul dowlaha Madaxtooyada Mudane Farah Sheikh Abdulqadir.Governatoraha Bankiga Dhexe Marwo Yusra Abrar iyo lataliyayaal sar sare oo ka kala socdo xafiiska Madaxaweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

somali8Madaxaweyne Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu mahad celiyey Mareykanka Taageerada ay siiyaan shacabka Somaliyeed oo hada ka soo kabsanayo dagaal sokeeye oo aad udheeraa.Madaxaweynaha ayaa hoosta waxaa uu ka xariiqey muhiimada ay leedahay midnimada iyo heshiiska shacabka Somaliyeed. Sidoo kale wuxuu yiri” waa muhiim in wadashaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi in ay dhex marto labada dal ee Somaliya iyo Mareykanka

Mar uu ka hadlayey lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ayuu Madaxaweynaha sheegey in ay hada Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo ;taageero yarna ay wax badan ka bedeli doonto qaasatan dhinaca amniga iyo hormarka dalka.In xiriirka caalamiga dib loo soo celiyo waxa ay qeyb ka tahay siyaasada Madaxaweynaha.Sidoo kale Madaxaweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyey Xaruunta Woodrow Wilson hoostana ka xariiqay horumarka lagaarey iyo in Soomaliya ay ka dhici doonto 2016 doorasho xor ah.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo gaaray DC

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ay weheliyaan R.W. Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowziyo X. Yusuf Adam iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xassan Suleyman, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabduqaadir iyo La Taliyeyaal khaas ah ayaa maanta soo cagadhigtay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Safarkan ayaa Madaxweynaha muhiimaddiisa koowaad ay tahay inuu kala xaajoodo kuna dhiiri gelyo sidii loo kordhin lahaa taageerada uu dalka Maraykanku ka siiyo Soomaaliya dhanka Difaaca, Amniga iyo Horumarinta sidii Nabad waarta looga dhalin lahaa guud ahaanba Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee Arizona iyo Xildhibaano wuxuuna kala hadlay qaabka dowladda Maraykanaka ay Soomaliya uga saacidi laheyd dib u habeynta hey’adaha dowliga. Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka taagero dowladda Soomaaliya.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.