Home » Warar »

Warar ku Saabsan Shirkii Arrimaha Soomaalida ee Magaalada Brussels

Magaala Brussels ee Dalka Belgium isla markaana ah Xarunta Midow Yurub waxaa si rasmi ah uga furmay Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Furitaankii shirkaas Khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimaha Ammaanka ee Soomaaliya iyo Xaaladaha iminka Dalka ka jira.

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dadaalkii faraha badnaa ee laga soo maray ka gudubkii mar xaladaha Xukuumadihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray isagoona hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay maanta u taagan tahay Xukuumad aann ku meel gaar ahayn isla markaana Beesha Caalamka la qaybsanaysa dadaalada lagu doonayo sidii dib loogu soo celin lahaa Dawladnimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday arrimaha Xukuumaddiisa lagu eedeeyo ee ah Musuqmaasuqa isagoona sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in ay la dagaalanto Musuqmaasuqa iyo Amnidarada inta badan lagu eedeeyo.
brusels_somali4

Madaxwynaha Midowga Yurub oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa amaanay waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya Mudadii Sanadka ahayd ee ay jirtay isagoona balan qaaday in Midowga Yurub uu garab taagnaan doono Dawladda Soomaaliya sidii ay ugu soo noqon lahayd dawladnimadeedii.

Si kastaba Shirka manta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wadamada Deeqda bixiya iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha Caalamka oo Dawladaha carabtu qayb ka yihiin waxaana Midowga Yurub uu halkaa kaga Dhawaaqey Qaaraan Gaaraya Sideed Boqol oo Milyan oo Doolar oo loogu Tala Galey Dib u Dhiska Soomaaliya ee Saddexda Sanno ee Soo Socota.

Dibad Bax Looga soo Hor Jeedo Shirka Baragsalis oo Manta Magaalada Baydhabo ka Dhacay

brusomali3Wararka naga soo gaaraya Magaala Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay Banaanbax looga soo hor jeedo Shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ka furmay magaalada Brussels.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka, Waxgarad iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle.

Qaar ka mid ah Nabadoonadii halkaa ka hadlay oo uu ka mid ahaa Malaaq Cali Shiino ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhibaato ku ah waa siduu hadalka u dhigaye beelaha Digil iyo Mirifle sidaa darteedna Natiijada ka soo baxda ay noqon doonto mid aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Beelaha Digil iyo Mirifle.

Malaaqa ayaa mar kale baaq dheer ka soo saaray joogitaanka Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku Sugan Magaalada Muqdisho isagoona ugu baaqay Mas’uuliyiintaas Xukuumadda ku jira in muddo laba Maalmood gudahooda ay iska soo Xaadiriyaan Magaalada Baydhabo.

Malaaqa ayaa sheegay in Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ee Xukuumadda ku jira haddii baaqooda ay u dheg raaricin waayaan in aysan matalin Beelaha Digil iyo Mirifle Kalsoonidana ay kala laabanayaan Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale Malaaqyadaas ay sheegeen in kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda Xubnaha Dawladda ugu jirana ugu yeereen in ay isaga soo baxaan taasoo cid u dheg raaricisey aanay jirin.

Golaha Guurtida Beelaha jareer Weyne oo Soo Dhaweeyay Shirka Maanta ka Furmay Brussels

Kulan ay Maanta Isugu yimaadeen Golaha Guurtida Beelaha Jareer weyne ayay kaga hadleen xaaladaha guud ee ee Dalka Soomaaliya. Kulankan manta oo ka dhacay Xarunta Golahaasi ee magaalada Muqdisho ayaa si cad looga hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaana shirka iminka ka soconaya Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Belgium

Ugaas Aweys Shiikh Xuseen “Huneero’Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne oo ugu horeynba halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin shirkaas.

Ugaaska ayaa farta ku fiiqay in shirkaas laga filayo in ay ka soo baxaan Natiijooyin wax ku Ool ah isla markaana wax ka taraya dhinaca dib u dhiska Dalka iyo Dawlad Wanaaggaba. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne ayaa soo qaaday shirar kale oo gogal xaar ah oo shirka Maanta ka furmaya Magaalada Brussels oo ka dhacay dalka gudihiisa shirarkaas oo uu sheegay in ay ka qayb galeen qayabaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka soo saaraan Aaraa mid ah oo qayb ka ah Ajanadhayaasha ay Xukuumaddu hor dhigayso Shirkaas.

Aweeys Shiikh Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in shirarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ka soo baxeen talooyin ay halkaa ka jeediyeen oo la is leeyhay wax weyn bay ka tarayaan Horumarka iyo dib u heshiisiinta Soomaalida.

Kulanka maanta oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne Shiikh Axmed Shiikh Abuukar Gaafaa iyo xubnaha Golaha Guurtida ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Shirkaas iyagoona dhamaantoodba sheegay in ay taageersan yihiin Natiijada ka soo bixi doonta shirkaas isaga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.