Home » News »

Sheekh Cabdurashiid sh Cali Suufi oo markii uhoraysay ka muxaadarayn doono Qatar jimcaha .

calisuufiSida ay dad badan oo Soomaaliiyeed lasocdaan, Qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdurashiid Sheekh Cali Suufi oo kamid ah culimada dunida muslimka ugu caansan, gaar ahaan cilmiga Qur’anka, waxaa xarun u aheyd wadanka Qatar ilaa initii laga soo qaxay wadankii hooya. Inkasta oo uu dalka kamaqnaa ilaa iyo xiligaas Sheekhu weligiis kama gaabin inuu baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan majaalka Qur’aanka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u ooman lakulanka sheekha oo ay ugu horeeyaan Soomaalida reer Qatar.

Sababta dib udhaco kulanka jaaliyada iyo sheekha ayaa loo aanaynayaa codsiyada isdaba jooga ah ee sheekha kaga imaanayay jaaliyadaha soomaalida wadama galbeedka. Wararka ayaa sheegaya inay jaaliyada reer Qatar lagu eedeyo inaysan kafaa’idaysan culima badan oo sheekhu kamid yahay oo wadanka ku sugan.

Dacwada jaaliyada oo dardar cusub lagaliyey awgeed ayuu sheekhu ogalaaday inuu markii ugu horaysay la kulmo dhamaan shacabka Soomaaliyeed rag iyo dumar habeynka jimcaha 20/9/2013 Salaada Cisha masjidka Abubakar ee xaafada Soomaalida kadagto caasimadda Qatar ummu ghuwayline.

Sheekha ayaa lagu wadaa inuu soo bandhigo culuumta Qur’aanka, taariikhda culuumta Qur’aanka Somalia; iyo isagoo kudhiiri galindoona sidii looga faa’daysanlahaa kitaabka Allah ee akhriskiisa u sahlay bulshada Soomaaliyeed, taas oo aan lala qabin aduunka intiisa kale.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu furo muxaadarooyin joogta ah oo sheekhu uu ku gaaryeeli doona reer Qatar.

Adam Abdi Abuzuhri abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.