Home » Warar »

Warsaxaafadeed DFS: Beesha Caalamka oo shirkii Brussels ka muujiyay sida weyn ee ay Soomaaliya ugu garab tagan yihiin

September 16, 2013

Shirk weynihii qorshaha New Deal ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Brussels magaalada madaxda dalka Belgium isla markaana ah xarunta Midowga Yurub “Europian Union”. Shirkan oo ay wada gudoominayeen Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne ku xigeenka MY, ahna wakiilka guud isla markaana u qaabilsan arrimaha dibadda Catherine Ashton.

Madaxweynaha MY Herman Van Rompuy iyo madaxweynha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaankii shirka ka soo jeediyay khodbado kooban oo ku wajahan qorshaha New Dealka iyo sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dib-u soo kabashada dalka iyo ku tilaabsiha horumar taabo gal ah.

Mudane Herman ayaa khodbadisii furitaanka ku cadeeyay in MY had iyo jeer garab taagan yahiin dalka Soomaaliya. Waxaana uu shirka maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo markhaati u ah sida caalamku u garab taagan yahay Soomaaliya. Waxaana uu khodbadiisa si qoto dheer ugaga hadlay qorshahan cusub ee New Deal iyo sida caalamku ugu taagan yahay in Soomaaliya uu gacan uga siiyo dib-u dhiska iyo horumarka ay hiigsanayso.

“Waa maalin taariikhi ah, markhaatina u ah sida Midowga Yurub iyo caalamka intiisa kalaba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxaa cad inaan dhamaanteen aqbalsan nahay masuuliyada guud ee inaga saaran ka qeyb qaadashada xal u helida caqabadaha haysta Soomaaliya,” ayuu yiri Herman Van Rompuy, Madaxeynaha Midowga Yurub, oo si weyn uga mahadceliyay horumarka DFS ay ku tilaabsatay mudadii yareyd ee ay jirtay.

Madaxweynaha DFS ayaa khodbadiisii horudhaca ahayd faah-faahin buuxda uga bixiyay tilaabooyinka dhanka xalka iyo horumarka loo qaaday asagoo dhanka kalana xusay caqabadaha jira iyo baahida ay Soomaaliya u qabto taageerda caalamka si looga gudbo marxalada adag ee dalku mudada dheer ku soo jiray. Waxaana uu caalamka ugu baaqay in wax laga badalo qaabkii hore ee arrinta Soomaaliya loo wajihi jiray.

“Waxaan ku tilaabsanay horumar la taaban karo waxaana hiigsanaynaa Soomaaliya nabdoon oo horumar ku wajahan. Waa ay jiraan dhinacyo aan wali ka liidano, waxaanse caalamka u xaqiijinaynaa inaan ku dadaalayno hirgalinta dawlad wanaaga iyo sidaan wadanka ku xasilin lahay,” ayuu yiri madaxweynaha DFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbo dhinacyo badan taabanaysa ku gabo-gabeeyay in guusha ugu weyn ee qorshan New Deal laga gaaro ay noqoto dhismaha Soomaaliyada cusub.

Shirweynaha New Deal ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wafuud ka kala socota in ka badan 70 wadan iyo hayado caalami ah oo isugu yimid sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hirgalinta qorshahan Hiigsiga Cusub. Khodbooyinka wufuuda sare ee shirkan ka soo qeybgalay ayaa dhamaan muujiyay taageerda ay u hayaan hirgalinta qorshahan New Deal iyo dib-u dhiska dalka Soomaaliya.

DHAMAAD

Ahmed Adan

New Deal Communication Coordinator
Office of the Prime Minister
Brussels, Belgium

Phone: +32 483 695 188
Email: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.