Home » Warar »

Hayadda Amin Voluntary And Relief Organization oo 160 Isugu Jira Wiilal iyo Gabdho u Sameysey Xirfado iyo Agab Shaqo

Waxaa Hotelka Shamow ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 160 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kaasoo soo Bilowdey Bishii Abriil ee Sannadka waxaa Dhalinyaradaa la soo Barey Shan Xirfadood oo kala ah Harqaanimo , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta, sida loo Dacatiro Mobile-da iyo Farsmada Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha

somali1somali2Munaasabadaan oo ay ka soo Qyabgaleen Masuuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir , Madaxda Hayadaha Samafalka , Waalidiinta Ardeydii wax la barey , Ardeydi Dhameystey Waxbarashada , iyo Marti Sharaf kale , waxaana Mashruucaan Hirgeliyey Hayadda Amin Voluntary And Relief Organization ee marka la soo Gaabiyo loo yaqaan AVRO,waxaana ugu Horeyntii halkaas ka Hadley Agaasimaha Hayadda AVRO Dr Cabduqaadir Cabdiraxmaan oo si weyn ugu Dheeraadey Qaabkii uu ku Biliowdey Mashuuraaca loogu Magacdarey Youth Employment And Placement Project

“Markaan aragney Sida Dhalinyarda aysan u heysan Shaqooyin ay ku shaqeytaan ayaa Go’aansaney in Intii Awoodeenna ah Dhalinyarda Soomaaliyeed uga Faaiideyno Mashruucaan waxaana Xirfado u Tababarney 160 Dhalinyaro 80 ay yihiin Wiilal halka 80-ka kale ay ahaayeen Gabdho”ayuu yiri Agaasimaha AVRO oo Intaa ku darey

“ 160-kaas Ardey waxaan barney Xirdfadaha Harqaanimada , Fuudanimada, Farsamayaqaan ama Najaar , Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha iyo sida loo sameeyo Mobilada waxaana siiney Qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen iyo Lacagihii ay ku Bilaabi lahaayeen Ganacsigooda ay Xirfada ku soo barteen” ayuu iri Agaasimaha oo u MahadceliyeyHayadda Africa Us Development oo uu sheegey in La.aanteed uusan Hirgeli lahayn Mshruucaan Shaqo Abuurista iyo Xirfadaha isku jirey.

Waxaa sidoo kale ka Hadley Agaasimaha Hayadda SOCA Mukhtaar Xasan Cilmi oo sheegey In Mashruucaan uu ahaa mid Tijaabo ah isagoo sheegey in haddii uu Guuleysto ay iyana Heli Doonaan Dhalinyaro kale oo loo Tababbaro Xirfado kala Duwan taasoo uu sheegey in ay ku Imaan karto in kuwa maanta wax la barey sida ay uga soo dhalaalaan wixii la barey oo ay ku Shaqeynayaan waxaana uu sheegey in lagu Kormeeri Doono sida ay uga soo baxeen Wixii la barey

Gudoomiyaha Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdi Maxamed Dhabaney oo ku hadlayey Magaca Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ugu horey waxaa u Mahadceliyey Hayadda AVRO oo uu sheegey in ay qabtey Howl loo baahnaa oo Xiligeedfii ku soo beegmey isagoo u soo jeediyey in ay tatabaro Noocaan ah la Kordhiyo si Dhaliyarada Soomaaliyeed ugu baxaan Shaqo la’aanta

Waxaa sidoo kale ka Hadley Maryan Axmed Maxamuud oo ka socotey hadda IIDA waxayna iyana u Mahadcelisey intii isku soo Dubaridey in Dhalinyaro intaa la eg loo Tababaro weliba waxay sheegtey in Hayadeeda maadaama ay tahay Hayad qaabilsan haweenka in Mashruucaan ay Haweenka ka heleen Tiradii la siiyey Willasha marka waa mid aad noo faraxgelineysa

Ugu Dambeyntii 160 Ardey ee Dhameystey Xirafadaha kala Duwan ayaa waxaa lo Qaybiyey Qalabkii ay ku Shaqeysan lahaayeen welibana waxaa Xirfadaha qaar Dhalinyardadii la barey loogu darey Lacago ay ku bilaabaan Xirfadooda sidoo kale waxaa Ardeydaas la Gudoonsiiyey Shahaadooyib ka Turjumaya Aqoonsigooda Aqooneed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.