Home » Faallo »

Xisbi cunsuri ah oo saamayn weyn ku yeelan doona siyaasada dalka Norway.

crisaqxusenWaxaa 9-kii september  2013-ka  dalka Norway lagu soo afjaray doorashadii baarlamaanka qaranka. Doorashadaas waxaa ku guuleystey oo codka ugu badan helay xisbiyada dhinaca midig ee uu hogaaminaayo xisbiga lagu magacaabo (Høyre). Waxaa kaloo guul weyn gaaray xisbiga xagjirka/cunsuriga ah ee Fremskrittspartiet. Warbaahinta dalka Norway iyo wadamada deriska la ah sida Sweden ayaa waxaa ay aad uga faaloodeen saamaynta  uu xisbigan cunsuriga ahi ku yeelan doono dowlada la dhisi doono. Waxaa muuqda astaamo muujinaaya in ay suurtogal tahay in xisbiga cunsurigu uu qayb ka noqdo dowlada dhowaan la dhisi doono. Haddaba waa maxay siyaasada xisbiga Fremskrittspartiet ee xagjirka ahi? Maxaa ka mid ah waxyaalaha ay ku gorgortamayaan? Sidee ayey siyaasada cunsuriyiintu  u saamayn kartaa guud ahaan ajnebiga iyo gaar ahaan soomaalida?

Siyaasada xisbiga Cunsuriga (Fremskrittspartiet)

Madaxda xisbiga cunsurigu waxaa ay sheegeen in aaney si shuruud la `aan  ah uga qaybgeli doonin dowlada la dhisaayo balse ay soo bandhigi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan dadka soogalootiga ah ee ku nool dalka Norway. Qodobada ay doonayaan iney ku gorgortamaan waxaa ka mid ah:

Xerooyin qaxooti oo xabsi la mid ah: Waxaa xisbiga cunsurigu doonayaa in la dadka magangelyo doonka ah lagu ururiyo xerooyin aan laga soo bixi karin oo u samaysan qaabka xabsiyada oo kale. Waxaa ay leeyihiin waa in dadka qaxootiga ah ee sharci doonka ah xerooyinkaas lagu ilaaliyaa oo aaney banaanka uga soo bixin ilaa inta ay sharci ka helayaan ama dalkoodii dib loogu celinaayo. Xisbigaani waxaa uu qabaa in sidaasi ay dan u tahay dalka Norway oo lagaga badbaadaayo arimo badan oo dalka iyo dadka Norway waxyeelo u geysan kara. Haddii uu xisbiga cunsurigu ku guuleysto inuu fikirkaan ka dhaadhiciyo xisbiyada garabka midig ee xukunka la wareegey, waxaa ay taasi caqabad weyn ku noqon doontaa dadka qaxootiga ah ee soo gala dalka Norway. Xisbigani waxaa uu aad u doonayaa in aad loo yareeyo dadka qaxootinimada dalka Norway laga siiyo

Xerooyin qaxooti oo laga sameeyo meelo u dhow dalalka dhibku ka jiro: Waxaa uu xisbigani doonayaa in xerooyin qaxooti laga sameeyo meelo u dhow wadamada dhibku ka jiro ee ay qaxootigu ka yimaadaan. Halku dhiga xisbigan cunsuriga, ayaa ah in dadka wax lagu taro meel u dhow dalkooda si ay markii dhibtu dhamaato ay si sahlan dalkooda dib ugu laabtaan. Meelaha ay doonayaan in xerooyinkaas laga sameeyo waxaa ka mid ah wadamada  suuriya iyo ciraaq iyo weliba dalka soomaaliya. Ujeedadu waxaa weeyaan in qaxootiga laga hortago inta aaney yurub soo gaarin.

Qaxootiga oo dhaqaalaha laga yareeyo:  Waxaa uu xisbigaani aad ugu ololaynayaa in dadka ajnebiga ahi aaney xaq u yeelan tabarucaada dhaqaale ee dadka oo dhan la siiyo. Waxaa xisbigu qabaa in qofku uu muddo badan oo shaqeeyo si uu xaq ugu yeesho tabarucaada kala duwan ee dalka ka jirta, sida dhaqaalaha caruurta iyo guryaha la isku siiyo. Madaxda xisbigu waxaa ay leeyihiin waxaa dhamaanaya dhaqaalaha iyo kheyraadka Norway sida Saliida qeeriin ,haddii la sii wado dhaqaalaha badan ee la siiyo dadka aan u dhalan dalka Norway. Waxaa uu marar badan xisbigani codsaday in lasoo bandhigo dhaqaalaha ku baxa dadka qaxootiga ah.

In la  joojiyo dhaqaalaha lagu bixiyo ururada ajnebiga iyo dhaqanka:  xisbigani waxaa uu doonayaa in dadka sharciga laga siiyo dalka Norway ay si toos ah u dhexgalaan dadka iyo dalka Norway. Ajnebigu waa iney qaataan dhaqanka iyo hidaha Norway, loomana baahna dhaqamo kale ayey leeyihiin cunsuriyiintu. Dhaqaalaha la siiyo ururada ajnaaniibta ayey doonayaan in la joojiyo.

Xukunka  maxkamadaha oo la adkeeyo: Dadka ajnebiga ah ee denbiyada ka gala Norway in adag oo aan naxariis lahayn loola dhaqmo ayuu rabaa xisbiga cunsurigu. Qofka waa in marka hore la xakumaa, ka dibna wa in la dhoofiyaa ayey leeyihiin. Xitaa waa inaan loo dulqaadan danbiyada yar-yar ay ku adkeysanayaan. Xisbigu waxaa uu doonayaa  in xukunka maxkamadaha aad loo adkeeyo, lana ciqaabo dadka ajaaniibta ah ee denbiyada gala.

Arimaha dibada:  Fremskrittspartiet, ama xisbiga cunsuriga ee Norway waxaa uu qabaa in aan wakhti badan lagu dhumin arimaha dibada. Waxaa ay rabaan in xooga la saaro waxyaalaha ka dhacaya Norway iyo wadamada deriska la ah. Dagaalada iyo dhibaatooyinka ka socda meelaha kale ee aduunka sida Suuriya oo kale, uma ay arkaan iney saamayn ku yeelan karaan Norway. Qaxootigana waa in laga hortagaa ayey leeyihiin. Arimaha nabad raadintana uma ay hayaan wax xiiso ah.

Gebagebo: Waxaa aad loogu badinayaa in xisbiga cunsurigu uu si toos ah dowlada qayb uga noqon doono dowlada la dhisaayo. Xitaa haddii aanu  xisbigu helin wasiiro iyo xubno dowlada ah waxaa uu mar walba saamayn ku yeelan doonaa siyaasada ku wajahan dadka ajnaaniibta iyo qaxootiga ee yimaada dalka Norway. Waxyaalaha fududeyn kara in siyaasada xisbigani hirgasho waxaa ka mid ah xaalada dhaqaale ee qaarada yurub ee mar walba sii xumaaneysa. Dadka u dhashay wadamada yurubna waxaa ay aad u raadinayaan iney helaan cid ay eeda dhaqaale iyo nabadgelya xumida ay dusha uga tuuraan. Xisbiyada cunsuriga ayaa qaba in dhibaatooyinka dhaqaale ee yurub ay keentay ka dib qaxooti badan oo wadamadaan soo galay. Hadalkaasi run ahaantii ma aha mid dhab ah, qaxootiguna waa lambar aad u yar kolka la eego cadadka dadka ku nool qaarada yurub. Waxaa kale oo waxyaalaha dadka reer yurub lagu cabsiiyo ka mid ah diinta Islaamka. Xisbiyada cunsuriga ee  kan Norway ka mid  yahay ayaa waxaa ay mar walba sheegaan in islaamku yahay caqabad weyn iyo dhib dalalkooda soo wajahay. Arinkaasina ma ah mid sax ah maxaa yeelay shucuubta muslimiintu waxaa ay ka qaybqaataan horumarka ay wadamadani ku faanaan. Waxaa ay ka qayb qaataan arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada si horumar loo gaaro.

Siyaasada xisbigaan cunsurigu waxaa haddii ay hirgasho saamayn ku yeelan doontaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway.Sidaas darteed waxaa haboon in dadka soomaalidu ay kordhiyaan wacyi gelinta ay siinayaan dadka u dhashay Norway iyo hay.adaha dowliga ah. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in dhalinyarada soomaalidu ay ka qaybqaataan siyaasada dalka Norway iyagoo ku biiraaya xisbiyada  wanaagsan ee tixgelinta siinaaya dadka soomaaliyeed iyo dhaqankooda islaamiga ah.

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed Xuseen ( Ina xuseen dheere).  Eskilstuna, sweden

habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.