Home » Warar »

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay Magaaladda Sanca ee Dalka Yemen

WAR-SAXAAFADEED

Sanca, September 9, 2013—-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku yimid caawa dalka Yemen, waxaana si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka magaaladda Sanca Mas’uuliyiin ka socday Dawladda Yemen oo ay kamid yihiin Wasiirka Caafimaadka Dr. Axmed Qaasim Al-Cansi , Madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safiirka Soomaaliya ee Yemen Gen. Ismaaciil Naaji Qaasim iyo Xuno sare oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida.

yemen1Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maalinta barri ah waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Yemen Cabdu Rabbuh Mansur iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka Yemen Maxamed Saalim Bassanduwa, waxaana ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga, Waxbarashada, Dib-u-dhiska iyo Qaxootiga.

“Waxaan ku faraxsanahay booqashada aan ku nimid dalkan Yemen oo ah dal aan wadaagno xiriir dheer isla markaana aan iska kaashan doono arrimo badan oo labada dal ay dani ugu jirto sida Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashadda, Dib u dhiska iyo Qaxootiga” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Saacid.

Waxaa sidoo kale maalinta barri si gaar ah ay kulamo u dhex mari doonaan Wasaaradaha Gaashaandhiga, Arimaha Dibadda, Khayraadka iyo Ganacsiga ee dalalka Yemen iyo Soomaaliya iyagoo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal.

Waa booqashadii ugu horaysay nooceeda ah ee Ra’isul Wasaare Soomaaliyeed iyo Wafdigiisu ay ku yimaadaan dalka Yemen 22-kii Sano ee lasoo dhaafay. Waxaana la filayaa in gaba-gabada kulamadan ay labada dal heshiisyo ku kala saxiixdaan magaaladda Sanca.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa inta ay joogaan dalka yemen Waxaa ay la kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Yemen.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen

009674043235
Email:Ridwaanhaji@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.