Home » Warar »

Xukuumadda Sweden oo Soomaaliya ugu Yaboohday Afartan Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

iyo Cabdiraxmaan Faroole oo Sharddi ku Xiray Wada hadal ay la Yeeshaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafddi ballaaran oo ay Hoggaaminayso Wasiirka Xiriirka Caalamka iyo Iskaashiga Dalka Sweden ayaa soo gaartay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ,Wafdigan ay Haweeneydaasi Hoggaaminaysey ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho shir kula yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumadda.

Kulanka labada dhinac oo Muddo dheer soconayay ayaa markii uu soo dhaamaday waxaa si wadajir ah Shir Jaraa’id u qabaty Madaxweynaha iyo Wasiirka Xiriirka Caalamka iyo Iskaashiga ee Sweden.Xasan Shiikh Maxamuud oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Sweden uu ka dhaxeeyo Xiriir aad u wanaagsan isla markaana Kulankoodii manta waxyaabihii ay iskula soo qaadeen ay isku af garteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladda Sweden ay diyaar u tahay Horumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliya isagoona hoosta ka xarriiqay in Sweden ay go’aansatay in si Dawladnimo ah ula xiriirto Dawladda Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa sheegay in Deeqaha ay ugu tala gashay Sweden Somaliya ay u soo marsiinayso Bangiga Caalamka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo mid toos ahba.

Wasiirada oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u timid sidii ay wax badan uga ogaan lahayd xaaladda dhabta ah eek a jirta Soomaaliya.wasiirka ayaa xustay in Soomaaliya ay ugu Deeqday Xukuumadda Sweden Afartan Milyan oo Doolarka Maraykanka ah taasoo ay sheegtay in wax looga qabanayo arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.

Ugu dambayntii ayay Wasiirku tibaaxday in Qurba Joogtada Soomaalida looga baahan yahay in ay gacan gaystaan dib u dhiska Dalkooda iyadoo Xukuumadda Sweden ay tahay Dawladda qur ee ka dhabaysey balan qaadyadii ay u samaysey Xukuumadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Faroole oo Sharddi ku Xiray Wada hadal ay la Yeeshaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay suurta galnimada wada hadal ay yeeshaan Maamulkiisa iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.Cabdiraxmaan Faroole ayaa sharddi uga dhigay wada hadal ay la yeeshaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya in wax laga bedelo ama lagu dhaqmo Dastuurkii Rasmiga ahaa ee ay hore wax uga saxiixeen.

Maamulka Faroole ayaa ku marar badan ku cel celiyay in Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay gacma gacmayn ku samaysey wx badana ka bedeshay Dastuurkii Dalku lahaa ee sida wadajirka ah loo ansixiyay.Cabduraxmaan Faroole ayaa hoosta ka xarriiqay in inta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqmayso Dastuurkan la bedelay inaysan suurtoobeyn in wax wada shaqayn iyo wada hadal aanay dhex mar Karin labada dhinac.

Maamulka uu Hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa in mudda ah wuxuu khilaaf kala dhaxeeyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoona ku eedeynayay in wax badan laga bedelay Dastuurkii ku meel gaaraka ahaa ee horey loo saxiixay isagoona sheega in Dastuurka haatan lagu dhaqmayo inuu yahay mid aan ahayn kii hore loo wada saxiixay.

Dhawaan ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Barlamaanka Por. Jawaari kaasoo sheegay inaan waxba laga bedelin Dastuurka isla markaana ayasan xaqiiqa ahayn andacooshada Puntland ay ku andacoonayso in Dastuurkaas la farageliyey

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay inuu ka goostay Xiriirkii wada shaqeeneed ee uu l lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoona Dawladda ku eedeeyay in ay ka baxday balamo hore ay u wada galeen labada dhinac sidoo kale Siyaasiyiin fara badan ayaa klu Fikir ah Cabdiraxmaan Faroole kuwaa oo sheegey in wax badan laga badeley Dastuurka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiiradda Horumarka & Xiriirka Caalamiga ee Sweden

Muqdisho 04 September 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta kulan Muqdisho kula qaatay Wasiiradda Horumarka iyo Xiriirka Caalamiga ee dalka Sweden Gunilla Carlsson oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirka Brussels ka dhacaya 16ka September, arrimaha qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dalka Sweden iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Waxaa kulankan ku wehliyey Ku Simaha R’aiisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha. Dhanka kale Wasiiradda waxaa ku wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa Wasiiradda Swedan uga mahadceliyey imaatinkeeda Muqdisho iyo sida ay dowladda Sweden u garab taagan tahay Soomaaliya iyo weliba Soomaalida qurbojoogta ku ah Sweden. Madaxweynaha ayaa Wasiiradda siiyey warbixin kooban oo la xiriirta xaaladda dalka iyo qorsheyaasha dowladda ay hiigsaneyso 2016 iyo shirka Brussels. Madaxweynaha ayaa sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu hanweynyihiin shirka Brussels inuu noqdo mid caalamku ay ku midoobaan sidii dalka Soomaaliya dib-u-dhis xoogan loogu sameyn lahaa. Isla markaana uu ka codsaday Sweden inay kaalin fiican ka qaataan shirkaas.
swiden9
Wasiiradda Sweden ayaa sheegtay in Dowladda Sweden ay ka go’antahay saacidaada Soomaaliya oo ay tiri waxaan rabnaa inaan noqono laba dal oo ka wada shaqeeya sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen amni waara iyo horumar. Wasiiradda ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay sida uu dumarka u siiyey jagooyin siyaasadeed oo lagu faani karo. Wasiiraddu waxey caddeysey inay ka soo qeybgaleyso shirka Brussels isla markaana ay Dowladda Sweden ka mid noqon doonto waddamada yabooha sameynaya oo taageeraya dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wasiiradda oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa labadaba ku sheegeen sida Soomaaliya iyo Sweden ay uga go’antahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka, nabadeynta iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay qorshihii lala hortagi lahaa Brussels ee dalka dib loogu dhisi lahaa kana codsaday Sweden iyo caalamka inay qorshahaas meel marintiisa nagula garab galaan si dalka Soomaaliya uu horumarka bilowday u sii joogteeyo.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda Sweden oo Soomaaliya ugu Yaboohday Afartan Milyan oo Doolarka Maraykanka ah. "

  1. ciise xasan says:

    bahada somalitak.com aad ayaa ugu mahasantihiin qoraaladiina aad ayaan ugu tixanahay hadey ahaan laheeday maqaal iyo war saxaafadeed waxaa sidoo kale aad ugu tixanahay arinta badda oon mar walbo idinka lasocdo