Home » Warar »

Kolonyo Gawaari oo Galbineysey Madaxweynaha Soomaaliya oo Dagaal Jidgooyo ah ku Qabsadey Meel ku Dhow Magaalada Marka ee Shabeelada Hoose.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada Hoose waxay Sheegayaan in Kolonyo Gaadiid oo Galbineysey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ay wada u galeen Ciidamo ka tirsan Xarakada AlShabaab ma uu ku dhawaan Deegaanka Buufow ee Degamada Marka ,,waxaana la sheegey in dagaal Socdey Muddo 20 daqiiqo uu halkaa ka dhacay

Sheikh Cabdilcasiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca hawlgalada ee Xarakada Shabaab oo goor dhow waraysi siiyay Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay Weerar Jid gooya ah ay ku sameeyeen Kolanyadii la socotay Wafdiga Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud .Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Khasaare ba’an ay gaarsiyeen Xubnihii la socday Wafdigaas in kastoo uusan sheegin khasaaraha dhabta ah ee ay gaarsiyeen wafdiga..

Eng. Yariisoow Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo goor sii horeysey hadlay ayaa beeniyay Sheegashada Xarakada Shabaab ay sheegteen in ay weerar ku qaadeen Kolanyadii la socotay Wafdiga Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.Eng, Yariisoow ayaa intaa ku daray in wafdiga Madaxweynaha oo soo maray dhinaca Dhulka ay si Nabad qab ah ku soo gaareen Magaalada Marka wax dhibaato ah oo ay la kulmeena uusan jirin

Si kastaba wafdiga Madaxweynaha ayaa iminka waxa ay ku sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose Magaalada Madaxdiisa Marka halkaasoo kulamo gooni gooni ah ay uga soconayaan sidoo kale Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in laba Gaari oo midi ay leeyihiin Ciidamada Dawladda midna Ciidamada Amisom ay iskula dhaceen Degmada Afgooye Xaafadda Xaawo Taako.

Shilkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay illaa Afar Askeri oo laba ay ka mid ahaayeen Ciidamada Dawladda halka labada kalena ay ahaayeen CiidamadaAamisom gaar ahaana kuwa ka socdey Wadanka Burundia ee qaybta ka h Hawl galka Amisom, waxaana la sheegey in ay qayb ka ahaayeen Wafdigii Madaxweynaha ee gaarey Magaalada Marka

.W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.